Jubbaland oo Al-Shabaab ka saartay meel ay dhawr jeer kala qabsadeen

Image
Hawlgalkan ayaa boggaadin iyo ammaan ka heley Ra'iisul Wasaare Xamse oo ku tilmaamay mid biloow ah

KISMAAYO, Jubaland - Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa Sabtidii shalay ahayd wuxuu ku dhawaaqay in si rasmi ah uu billaabay weerarkii ugu horreeyay ee ‘dhowr jiho oo kala duwan’ oo ka dhan ah maleyshiyadda Al-Shabaab.

Kismaayo ayaa sheegtay in ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa maamulka ay dagaal la’aan ku qabsadeen deegaanka Janna Cabdalle oo qiyaastii 52 kM dhanka waqooyi galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo.

Hawlgal ciidamada Jubbaland ay qaadeen ayaa lagu tilmaamay mid ay dib ugu laabatay raadkeedii maadaamaa isla goobahan marar badan oo hore ay ciidamada maamulka u gaareen.

Ciidanka ayaa gaaray degaanka Birta Dheer oo ah meesha kala barta Kismaayo iyo Afmadoow, isuguna yimaadaan seddex waddo oo muhiim ah, iyada oo Alshabaab ay halkaasi lacago uga qaadi jirtay gaadiidka u kala gooshaya degmooyinka Jubbada Hoose.

Dhibka jira ayaa ah in deegaanada hawlgalka uu ka dhacay aysan ahayn wax cusub, iyada oo ciidamada Jubbaland ay halkani tagayeen 10-kii sano ee lasoo dhaafay, iyada oo markii ugu dambeysay ee ay tageen, dibna uga soo baxeen ay ahayd sanadkii 2020-kii.

Hase-ahaatee, hawlgalkan ayaa boggaadin iyo ammaan ka heley Ra'iisul Wasaare Xamse oo ku tilmaamay mid biloow ah. Lama oga in hawlgalkii dhacay uu yahay sida uu u biloowday guud ahaan hawlgalada ay Jubbaland intii mudo ahba ballanqaadaysay.

Al-Shabaab ayaa iyaga aanan ku dagaalamin deegaanka Birta Dheer oo sidoo kale loo yaqaano Janaa Cabdalle, waxaa markasta la filan karaa weeraro rogaal celin ah xilli kooxdani ay dhowaanahan ciidamo badan ku uruurineysay gobolka Jubbada Dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya ka hadashay qorshaha Masar ee Ciidamada ku keenayso Soomaaliya

Xiisadda cusub waxay kusoo beegmaysaa xilli uu weli taagan yahay muranka u dhexeeya Masar iyo Itoobiya.

  • Soomaliya

    28-08-2025

  • 11:52AM

Cabdirisaaq Khaliif: Firdhiye wuxuu katirsan yahay xisbiga Xasan Sheikh, DFS ayaana dhisaysa

Cabdirisaaq ayaa si xooggan u beeniyay warar sheegaya in ololihiisa doorashada uu ka helayo taageero maamulada Somaliland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    28-08-2025

  • 08:28AM