Jubbaland oo codsatay in baaritaan lagu sameeyo dilka Wasiir Cabaas

Image

KISMAAYO, Jubbaland- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Axmed Maxamed Islaam iyo dhamaan Xubnaha Golayaasha maamulkaas, ayaa ka hadlay dilka loo gaystay Wasiirkii Howlaha guud iyo dib u diska dowladda federaalka Cabaas Cabdullaahi oo caawa Muqdishu lagu toogtay.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada maamulka Jubbaland oo nuqul kamid ah soo gaaray warsidaha GO, ayaa lagu sheegay inay ka xunyihiin dilka marxuumka, waxaana tacsi loogu diray dhammaan Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan qaraabadiisa iyo Asxaabtiisa.

“Waxaan la wadaagayaan tiiraanyada geerida ku timid Allah ha u Naxariistee Wasiirkii Hawlaha guud ee Dowlada Soomaaliya  Cabaas Siraaje ahaana Xildhibaan Qaran oo laga soo doortay Jubbaland,” Ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland.

Maamulka Jubbaland ayaa sidoo kale codsaday in baaritaan lagu sameeyo dilka Marxuumka iyo qaabka uu u dhacay.

“Jubbaland waxay ku boorinaysaa dhamaan Laamaha kala duwan ee Dowlada Soomaaliya in baaritaan baahsan lagu sameeyo qaabka ay wax u dheceen,” Ayaa lagusii daray qoraalka kasoo baxay maamulka Jubbaland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM