Jubbaland oo sheegtay inay qaadayso Howgal ka dhan ah Al Shabaab

Image

KISMAYO, Somalia - Jubbaland ayaa sheegtay inay qaadayso maalmaha soo socdo howlgal military oo Al shabaab looga saarayo dhammaan deegaanada ay ka joogaan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Dhaq-dhaqaaq ciidan iyo abaabulka duulaanka cusub ayaa aad looga dareemayaa magaalada Kismaayo, ee xarunta maamulka Jubbaland, waxaana qorshahan qeyb ka ah ciidamado Mareykanka ah oo ku gaashaaman diyaarado dagaa.

Sida dadka deegaanka ay u sheegeen Garowe Online, Diyaarado dagaal oo jawi hoose ku duulaya ayaa hareeyay hawada deegaanada ku dhaw magaalada Kismaayo, iyadoo ciidamo badan oo ku jiro diyaargarow lagu dhex arkayo gudaha magaalada.

Saraakiisha maamulka Jubbaland ayaa xusay in Howlgalka uu yahay midkii ugu dambeeyay ee Al shabaab ay uga saarayaan goobaha ay maamulaan hadda, si dadka abaarta saamaysay loo gaarsiiyo Gurmadka.

Al Shabaab ayaa ka hadashay qorshahan, waxayna tilmaameen inay samayn doonaan difaacyo islamarkaana ka hortagi doonaan waxay ugu yeereen “Duullaan Shisheeye”.

Todobaadkii hore ciidamada Jubbaland, Kenya iyo Maraykanka oo adeegsanaya duqayn dhinaca cirka ah ayaa weerar ku qaaday degmada Afmadow iyagoo weeraray saldhig halkaas ay kulahayd kooxda Al Shabaab.

Kooxdan xiriirka la leh Al Qaeda ayaa gacanta ku haysa deegaano badan oo kamid ah Jubbada hoose iyo Gedo, halka ay si buuxda u maamusho gobolka Jubbada dhexe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo loogu baaqey inuu xilka ka dego

War-saxaafadeedka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah inay ilaaliyaan dastuurka.

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 10:22AM

Turkiga oo Soomaaliya ka dhigaya Goob ay Quwadaha Caalamku ku Hardamaan

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in xaruntan ay Turkiga u suuragelin karto inuu ballaariyo…

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 06:20AM