​Juxa oo shaqo joojin ku sameeyay Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somalia

Image

MUQDISHU, Somalia- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Somalia, Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa waraaq uu soo saaray shaqo joojin ku sameeyay Xoghayihiin joogtada ahaa ee wasaaradda Yaxye Cali Ibraahim.

Warqad soo baxday maanta 22 July, 2017 ayaa lagu sheegay in Yahye uu u hogaansami waayay amarrada madaxda sare islamarkaana uu curyaamin ku wada hannaanka shaqo ee wasaaradda.

Wasiirka ayaa warqaddan ku muujiyay in Xoghayan oo shaqada si KMG ah u yahay uu waxba ku qaadan waayay digniino horey loo siiyay.

Xoghaye Yaxye ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu sameeyay ku tagri fal awoodee iyo ku xad-gudub jaran-jarada shaqo ee wasaaradda isagoo ay cabasho ka keeneen shaqaalaha.

Tallaabadan ayaa soo if-baxda xilli wasaaraddu waday qorshayaal la xariira hormarinta dib u hishiisiinta dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

XOG: Xuseen Macalin oo isku-casiley faragelinta xafiiska Xasan Sheekh, balse laga diiday

Dooda ugu weyn ee mucaaradku qabaan ayaa ah in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si aad ah gacanta ugu hayo maamulka...

  • Soomaliya

    22-07-2025

  • 07:36AM

Xog: Villa Somalia oo Firdhiye u Wadda Madaxtinimada Khaatumo

Gudoomiyihii hore ayaa magaalada Laascaanood la tagey ergooyin ka kooban…

  • Soomaliya

    21-07-2025

  • 07:00PM