​Juxa oo shaqo joojin ku sameeyay Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somalia

Image

MUQDISHU, Somalia- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Somalia, Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa waraaq uu soo saaray shaqo joojin ku sameeyay Xoghayihiin joogtada ahaa ee wasaaradda Yaxye Cali Ibraahim.

Warqad soo baxday maanta 22 July, 2017 ayaa lagu sheegay in Yahye uu u hogaansami waayay amarrada madaxda sare islamarkaana uu curyaamin ku wada hannaanka shaqo ee wasaaradda.

Wasiirka ayaa warqaddan ku muujiyay in Xoghayan oo shaqada si KMG ah u yahay uu waxba ku qaadan waayay digniino horey loo siiyay.

Xoghaye Yaxye ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu sameeyay ku tagri fal awoodee iyo ku xad-gudub jaran-jarada shaqo ee wasaaradda isagoo ay cabasho ka keeneen shaqaalaha.

Tallaabadan ayaa soo if-baxda xilli wasaaraddu waday qorshayaal la xariira hormarinta dib u hishiisiinta dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM