Kalfadhiga Barlamanka Somalia oo furmaya, Khayre oo hortagaya

Image

MUQDISHU, Somalia- Kalfadhiga Koowaad ee Barlamanka cusub ee Somalia, ayaa la qorshaynayaa inuu furmo maalinta barri ah oo ku beegan Arbaco, sida uu shaaciyay Guddoonka Xildhibaanada.

Kulankan oo hordhac u ah shaqada Xildhibaanada doorashadii kadib ayaa la filayaa inay ku ansixiyaan Ra'isal Wasaare Xasan Cali Khayre oo la magacaabay todobaadkii hore.

Guddoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan ayaa shalay shaaciyay furitaanka Kalfadhigay Mudanayaasha golaha shacabka.

Waxaa si rasmi ah u furi doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isagoo jeedin doona Khudbadiisa Dastuuriga ah.

Waxaa sidoo kale imaanaya Mudane Ra'isal wasaare Xasan Cali Khayre oo doonaya kalsoonida golaha Barlamanak Federaalka.

Warar laga helay Xildhibaanada Somalia, ayaa sheegaya inuu haysto kalsoonida mudanayaasha Barlamanka islaamrkaana loo badinayo in la ansixiyo.

Hadii uu ka gudbo arrintan oo helo kalsoonida golaha, wuxuu guda gali doona howlaha loo igmaday oo ugu horayso inuu soo dhiso xukuumad cusub.

Khayre ayaa la magacaabay todobaadkii hore, waqti Madaxweynuhu ka dhoofayay magaalada Muqdishu oo  kusii jeeday Boqortooyada Sucuudiga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM