​Keating, Khayre iyo Guddoonka Aqalka Sare oo kulmay

Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia - Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Somalia Michael Keating ayaa Maanta Muqdishu kula kulmay Ra'iisul wasaaraha cusub ee dalka Xasan Cali Kheyere iyo Gudoonka aqalka sare ee Barlamanka. 

Kulanka oo ka dhacay Villa Somalia ayaa waxay mas'uuliyiintu uga hadleen arrimo dhowr ah, oo ay kamid yihiin Gurmadka Abaaraha, magaciibista Golaha Wasiirrada iyo Caqabadaha horyaalla dowladda cusub. 

Keating ayaa ku booriyay Ra'iisul wasaare Kheyre inuu soo dedejiyo dhisamaha xukuumadiisa, oo laga sugayo inay wax ka qabato abaarta qarka u saaran inay isku bedesho macluul ka daran midii sanadkaii 2011.

Ra'iisul wasaare Kheyre ayaa u balanqaaday Keating in mudnaanta kowaad siin doonto Xukuumadiisa badbaadin shacabkeeda u dhimanayo gaajada iyo haraadka ka dhashay abaarta daba-dheeraatay. 

Kulanka Keating iyo Kheyre ayaa kusoo beegmaya xilli Todobaadkii tagey uu Madaxweyne Farmaajo ku dhawaaqay inay dalka ka jirto masiibo qaran, kuna baaqay in la caawiyo Soomaaliya. 

Dhanka kale, Ergayga QM Michael Keating ayaa booqday xarunta Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna kula kulmay Gudoomiye Cabdi Xaashi iyo ku xigeenkiisa Abshir Bukhaari iyo Xildhibaanno.

Wakiilka ayaa bogaadiyay howsha ay hayaan Aqalka sare, oo ah inay ku mashquulsan yihiin diyaarinta xeerarkii ay ku shaqeyn lahaayeen, iyo xeeqitaanka kaalinta iyo mas'uuliyada Aqalka sare. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Go’aanka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada UN-ka si loo bixiyo adeegyada saadka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 01:51PM

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo loogu baaqey inuu xilka ka dego

War-saxaafadeedka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah inay ilaaliyaan dastuurka.

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 10:22AM