​KENYA: Al Shabaab oo weerar dad lagu dilay ka fulisay Lamu

Image

NAIROBI, Kenya- Mallayshiyaad katirsan kooxda Al Shabaab ayaa xalay weerar ku qaatay deegaan xeebeedka Lamu ee dalka Kenya.

Weerarka oo ka dhacay labo xaafadood oo kamid ah Lamu, waxaa lagu dilay Sagaal nin oo ilaa hadda la cadayn halka ay katirsanayeen iyo sababta kooxdan u bartilmaameedsadeen.

Wararku waxay intaas ku darayaan in weerarka kadib Mallayshiyada hubaysan ay kooxda ka baxeen xilli aysan la kulmin uiska caabin kaga timid laamaha amniga Kenya.

Booliiska dalkaas ee ku sugan degmadan xeebta dhacda ayaa xaqiijiyay dilka Sagaalka Nin, balse goob joogayaal ayaa ku waramaya in tiradu intaas ka badantahay.

Wakaaladda wararka Reuters oo soo xiganaysay qof goob jooge ah ayaa ku warantay, "Weerarka ayaa ka dhacay xaafadaha Jima iyo Poromoko, waxaana lagu dilay sagaal nin".

Wuxuu intaas ku daray, " Waxaa halkaas ka dhacay arrin naxdin leh oo waxaana raggaas loo gowracay sida Digaaga iyagoo loo adeegsaday Mindiyo."

Majirto wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay xukuumadda Kenya iyo kooxda Al Shabaab oo ku aadan weerarka ka dhacay deegaanka Lamu.

Maaha weeerarkii ugu horeeyay ee ka dhaca Lamu oo ay gaysto kooxda Al Shabaab, balse waxay kusoo aaday xilli maalmo kahor halkaas lagu dilay saddex sarkaal oo katirsanaa Booliiska Kenya.

Shabaab ayaa ugdaha Kenya ka fulisa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cali Balcad: Madaxweynaha wuxuu shir la yeelan doonaa madaxdii hore ee dalka

Shirkan ayaa loo arkaa mid fure u noqon kara yareynta kala fogaanshaha siyaasadeed iyo dhisidda hannaan loo dhan yahay oo lagu wajahayo marxaladda kala guurka ah.

  • Soomaliya

    25-05-2025

  • 11:19AM

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM