Khasaaraha qaraxii Muqdisho oo sii kordhaya iyo dad la la'yahay

Image
Image
Image
Image

MUQDSHO, Soomaaliya - Waxaa soo kordhaya khasaaraha dhimashada weerarkii Sabtidii lasoo dhaafay ka dhacay Isgoyska Ex-control Afgooye, kaasoo galay liiska qaraxyadii ugu dhimashada badnaa abid ka dhaca caasimadda Soomaaliya, ee Muqdisho.

Labo qof oo horleh ayaa la xaqiijiyay inay 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay u geeriyoodeen dhaawacyadii kasoo gaarey qaraxa, kuwaasoo uu ay ku jirto gabar lagu magacaabi jiray Aamin Cismaan Khayre oo ku dhimatay dalka Turkiga, halka qofkal kale Muqdisho ku dhintay.

Tirada dadka ku dhintay weerarkii Ex-control Afgooye ayaa hadda gaartey 81 qof, iyadoo dhaawaca uu ka badan yahay 140 qof, oo 15 kamid ah dalka Turkiga Isbitaallo ku yaalla loo qaadey.

Afhayeen u hadlay dowladda Soomaaliya, ayaa sheegay in nolol iyo geeri lagu la'yahay 25 qof, oo 6 kamida caruur yihiin, waxaana loo maleynayaa inay geeriyoodeen, kadib markii waalidiintooda iyo eheladooda ay ka waayeen Isbitaallada Muqdisho iyo goobtii uu qaraxa ka dhacay.

Wali ma jirto cid illaa hadda sheegatay mas'uuliyadda weerarka, balse Madaxweyne Farmaajo ayaa ku eedeeyay Kooxda Al-Shabaab. Labo Injineer oo u dhalatay Turkiga ayaa kamid ah dadkii ku dhintay qaraxa, kuwaasoo meydadkii shalay Muqdisho laga qaadey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM