Khasaaro ka dhashay qarax ka dhacay Muqdisho; hal qof oo loo xiray

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhaawacantay kadib qaraxyo ka dhacay isgoyska 17-ka Occtober Ex-Soobe ee magaaladda Muqdisho, caasimadda Soomaaiya, maanta oo Sabti ah.

Saraakiisha booliska ayaa u sheegay Garowe Online in qaraxa uu ka dhashay gaari nooca raaxada ah oo wadada dhinaceeda la dhigay.

Laba ruux ee dhaawacantay ayaa la sheegay in ay ahaayeen shacab wadada marayey, sidda laga soo xigtay bileyska.

Dhanka kale, laamaha ammaanka ayaa tilmaamay in la qabtay hal ruux, kaasoo la tuhunsan yahay in uu gaariga meesha dhigay.

Gaariga qaraxa lagu rakibay ayaa la sheegayaa in uu leeyahay shaqsi ka shaqeeya madaarka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Illo wareedyo ayaa u sheegay mareega GO in ruuxaas la geeyay xarunta CID-da, halkaasi oo su’aallo la xiriira falkaan lagu waydiinayo.

Ma jirto koox ilaa iyo haatan dusha saaratay mas’uuliyadda falkan, balse dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa looga bartay dhacdooyinkan.

Isgoyska Soobe oo ah meel mashquul badan ayaa lagu xasuustaa qaraxii dhimashadda badan keenay ee 17-kii October 2017-kii, kaasoo galaaftay nolosha boqolaal ruux ayna ku waxyeeloobeen tirro kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ruto: Mudo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamanka Soomaaliya wuu dhammaaday

Madaxweyne Ruto ayaa markii u horreysay si furan uga hadlay dagaal dhowaan ka dhacay meel u dhow xuduudka Kenya.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 09:06AM

Wada-hadalladii Xalane oo lagu kala kacay iyo Khilaaf hor leh oo ka dhashay Doorashada

Golaha Mustaqbalka ee mucaaradka ayaa ilaa hadda si cad u diiday soo-jeedinta guddiyada farsamada.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 12:30PM