Khasaaro ka dhashay qaraxyo ka dhacay degmada Jalalaqsi

Image
Image
Image
Image
Ugu yaraan 35 qof ayaa ku naf-waayay laba qarax ismiidaamin oo ka dhacay degmada Maxaas ee Hiiraan Jan 4, 2022.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan laba qarax ayaa Sabtida maanta ah waxa ay ka dhaceen degmadda Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, sidda ay xaqiijiyeen saraakiil dhinaca nabad-gelyadda ah iyo dadka degaanka.

Inta la xaqiijiyey hal qof ayaa ku nafwaayay, afar kalena ay wax ku dhaawacmeen weeraradan loo maleynayo in ay ka dambeeyeen maleyshiyaadka Al-Shabaab ee gacansaarka la leh Al-Qaacida.

"Qaraxyada kadib waxaa la maqlay rasaas. Xabadaas waxaa loo maleynayeen in ay fureen ciidamadda. Illaa hadda waxaa la og-yahay in uusan ahayn weerar toos ah," ayuu yiri Cali Axmed, oo goobjooge ah.

Sidda laga soo xigtey saraakiisha amniga iyo dadka degaanka, qaraxa koowaad ayaa ka dhacay meel ku dhow bar kontarool, halka kan labaad laga soo tabiyey duleedka magaaladda.

"Nooca qaraxa wali lama shaacin. Warbaahinta looma ogolaan in ay tagaan goobta. Balse waxaa loo badinayaa in uu ahaa gaari walxo qarxa lagu soo raibay," ayuu yiri wariye madax-banaan.

Al-Shabaab ayaa maalmihii lasoo dhaafay kordhisay weerarada qaraxyadda ee ay ka fulineyso degmooyinka waaweyn ee gobolka Hiiraan oo xudun u ah kacdoonka shacabka ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ugu yaraan 35 qof ayaa ku naf-waayay laba qarax ismiidaamin oo ka dhacay degmada Maxaas ee Hiiraan Jan 4, 2022. Goobta ay wax ka dhaceen waa guri ay dagaan martida balse ku dhow suuq mashquul badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM