Khasaaro kala duwan oo ka dhashay qarax ka dhacay Baardheere

Image
Dagaalameyaasha Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa dusha saartey mas'uuliyadda falkan.

KISMAAYO, Jubaland - Khasaaro kala duwan ayaa ka dhashay qarax loo adeegsadey gaari oo aroornimadii Talaadada maanta ah  lagu weeraray guriga martida magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Weerarka ayaa imaanaya xilli magaalada ay bilooyinkii lasoo dhaafay martigelisay dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed. Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa dusha saartey mas'uuliyadda falkan.

Ugu yaraan laba qof oo u badan dad shacab ah ayaa la xaqiijiyey in ay ku nafwaayeen dhowr kalana ay ku dhaawacmeen qaraxa Baardheere oo la sheegay in uu fuliyey naftii—halige.

Muuqaalada laga helay goobta oo qaar kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa muujinaya burbur xoog leh oo soo gaarey guriga martida magaalada oo la beegsadey.

Gudoomiyaha Gobolka Gedo, Axmad Buule, ayaa lagu waramay in uu kamid yahay dadka ay waxyeeladda kasoo gaartey qaraxa is-miidaaminta ah ee Baardheere.

Fahfaahinta ayaa intaas ku daraysa in mas'uulkan xaaladiisa lagula tacaalayo mid kamid ah xarumaha caafimaadka magaalada isla markaana dhaawaciisu uu yahay mid aan buurneyn.

Baardheere ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay waxay fariisin u ahayd siyaasiyiin ay kamid yihiin Senator Fartaag iyo Wasiir hore Cabdirashiid Janan kuwaasoo wada abaabul ka dhan ah maamulka Jubaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed oo Mas'uuliyiin katirsan DFS ku Eedeysay inay Xiriir la leeyihiin Al-Shabaab

Xiisadda ayaa sii korortay kadib markii maamulka Koonfur Galbeed uu ku dhawaaqay joojinta wada-shaqeyntii kala dhaxeysay Muqdisho.

  • Soomaliya

    18-03-2026

  • 08:47PM

Dowladda Soomaaliya oo xayiraad saartay Duulimaadyadii Baydhabo

Dhinaca kale, Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya (SCAA) ayaa iska fogeysay in ay jirto xanibaad rasmi ah oo ay iyagu soo rogeen.

  • Soomaliya

    17-03-2026

  • 11:32AM