Khayre oo baajiyey safar kadib weerarkii dhimashada badan sababay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa baajiyey socdaal uu maanta ugu ambabixi lahaa Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug, sidda uu sheegay xafiiskiisa.

Sidda ku xusan qoraal kooban, sababta keentay dib-u-dhaca ayaa salka ku haysa qaraxii Ex-kontarol Afgooye.

War-saxaafadeedka ayaanan lagu caddeynin goorta xigta ee uu wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka u bedeshay safarkiisa magaala madaxda dowlad goboleedkaas

Khayre ayaa u tegaya xarunta gobolka Galgaduud arrimo la xiriira doorashooyinka maamulkaas oo bisha soo socoto qorshuhu yahay in ay si rasmi ah uga qabsoomaan magaaladaas.

Inta ka xaqiijiyey ku dhowaad 80 ruux oo u badan shacab gaar ahaan arday Jaamacadeed ayaa ku dhimatay weerarkii saaka oo loo adeegsaday gaari walxo qarxa laga soo buuxiyey.

Saraakiisha ammaanka ayaa xaqiijiyey in gaariga uu waday naftii hore ka tirsanaa maleyshiyaadka Al-Shabaab.

Bishii August, 2019 ayay ahayd markii qarax noocaan ah uu ka dhacay isgoyska Ex-kontarool Afgooye, halkaasoo ay ku naf-waayeen in ka badan tobban ruux kuna dhaawacmeen tirro kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM