​Khayre oo dar-daaran u jeediyay Ergooyinka shirka Dib u Heshiisiinta

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa u jeediyey ergooyinka ka qeyb galaya Shirweynaha Wadatashiga qaran ee hannaanka dib-u-heshiinta oo soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta, kaas ay ka soo qeyb galeen dad weyne isaga kala yimid gobollada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo in shirkaan uu noqdo mid u horseeda horumar dhamaan shacabka ku nool Jamhuuriyadda Soomaaliya oo sanado badan ay haysteen dhibaatooyin kala duwan, isla markaana loo baahan yahay in la joogteeyo dib-u-heshiisiinta.

‘’Dib u heshiisiinta waa inaaney halkan ku joogsan, ee waa in la joogteeyaa, si loo adkeeyo midnimada dadka. Dawladda iyo hay’adaha kale ee waddanka ka jira diyaar bay u yihiin inay idin la shaqeeyaan, isla markaana idin fidiyaan taageerada aad u baahan tihiin.’’ayuu yiri Kheyre oo dhanka kale sheegay in tiirarka asaaska u ah dawladda Soomaaliya uu yahay hirgalinta nidaam dib-u-heshiin baahsan oo gaarta guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

"Waxaa xaqiiqo ah in dadkeena ay ka go'antahay nabad iyo iskaashiga, waxaana idiin sheegayaa dadku waxa ay go'aansadaan wey gaaraan, waxaan rajeynayaa in Soomaali meel kasta oo ay joogto ka gudubto dagaalka iyo khilaafka ayna u gudbaan nabad, iskaashi iyo wadajir" ayuu yiri raaciyey Ra'iisul Wasaare Xasan Kheyre oo hadal dheer ka jeediyay shirka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay dadka ugu badan ee khilaafaadku ka dhexeeyo ay kamid yihiin siyaasiyiinta, wuxuna kula dar-daarmay in midnimada dadkeena la xoojiyo. Shirkan ayaa marka uu dhamaado waxaa laga soo saari doono qodobo waxtar u leh bulshada Soomaaliyeed. Gaar ahaan arrimaha dib-u-heshiisiinta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM