Khayre oo Geneva kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Sweden

Image

GENEVA, Swiss - Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Geneva ee dalka Swizerland kulan kula qaatay wasiirka arrimaha dibadda Sweden, ann christin linde, oo kamid ah madaxda Geneva uga qayb geleysa madasha qaxootiga adduunka ee looga hadlayo xal u helidda qaxootiga caalamka.

Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wasiirka arrimaha dibadda Sweden ayaa kulankooda uga wada hadlay barnaamijka deyn cafinta, xoojinta xariirka labada dowladood iyo taageerada Sweden ee dib-u-kabashada iyo qorshayaasha dib-u-habeynta, waxa ayna isla qireen inay jirto baahi weyn oo loo qabo in si dhaqsa ah guul looga gaaro hadafyada ku xeeran barta go’aan gaaridda ee barnaamijka deyn cafinta.

Dowladda Sweden ayaa Soomaaliya ka taageertaa barnaamijyada dib-u-kabashada, dib-u-habeynta iyo dib-u-dhiska dalka.

Kulanka ayaa qayb ka ah shirar doceedyada uu Ra'iisul Wasaaruhu la qaadanayo qaaar kamid ah madaxda ka qayb galeysa madasha Qaxootiga.

Ra’iisul Wasaaraha oo shalay madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, la yeeshay kulan looga hadlay xoojinta xariirka, iskaashiga dhaqaalaha iyo ganacsiga, ayaa maanta ka qayb galay madasha qaxootigaoo berri lasoo xirayo.

Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya

Related Articles

XOG: Ku dhawaad 50% Saraakiisha dowladda Soomaaliya oo qaatay baasaboor ama kaarka aqoonsiga Kenya

Ilaa hadda ma jiro xaqiijin rasmi ah oo ka soo baxday dowladda Soomaaliya ama dowladda Kenya oo ku saabsan eedeymahan.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 10:33AM

Beesha caalamka oo dowladda Soomaaliya u qabatay illaa August in heshiis laga gaaro khilaafka doorashadda

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, farriintan ayaa markii hore loo gudbiyay mas’uul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 06:56AM