Khayre oo Golihiisa Wasiirada ka mamnuucey isticmaalka Baraha Bulshada [AKHRI]

Image

MUQDISHU- Ra'isalwasaaraha dowlada Federaalka Somaaliya Xasan Cali  Kheyre ayaa  Golihiisa Wasiirada ka mamnuucay inay baraha bulshada, idaacadaha iyo TVyada uga hadlaan warar siyaasadaysan, xaalada taagan iyo wixii xasaasi ah illaa inay ogolaansho ka haystaan Xafiiska Ra'isalwasaaraha maahane.

Wasiirada waxaa lagu wargeliyay inaysan uga hadli karin baraha bulshada  wixii xasaasi ah ama siyaasad ah ogolaansho la'aan. Amarka Wasiirada looga mamnuucay baraha bulshada waxaa uu kasoo baxay Xafiiska Ra'isalwasaaraha waxaana ogeysiin la siiyey Madaxweynaha, warqadase waxaa ku saxiixan Ra'isalwasaare ku xigeen Mahad Guleed.

Amarka Khayre ayaa yimid kadib markii ciidamada amaanka dowlada Federaalka la sheegey in degaanada Bariire ku dileen dad shacabka ah kadib xubno ka tirsan golaha wasiirada xoggo kala duwan ku qoreen Baraha Bulshada.

Dowlada Madaxweyne Farmaajo ayaa tan iyo intii xilka qabatey ayaa howlwadeenadeeda ahaayeen kuwo aad u isticmala Baraha Bulshada.

Wasiirka arimaha dibada Somaaliya Yuusuf Garaad Cumar, ayaa noqdey shaqsiga ugu isticmaalka badan Baraha bulshada isagoo mar walba kaga hadlay arimaha siyaasada iyo howl-maalmeedkiisa kale.

Xukuumadda ay dhaleecayn xooggan kala kulantay Bulshada, kadib markii Wasiirada Gaashaandhigga iyo Warfaafinta ku qoreen Baraha Bulshada in weerarkii Bariire lagu dilay rag katirsan Al shabaab, iyadoo Madaxweynaha dalkana uu qiray in shacab lagu dilay, kana tacsiyadeeyay.

Kala hadalka iyo kala warqab la'aanta Madaxda sare ee dowladda Federaalka Somalia, ayaa Jahwareerisay shacabka iyo Beesha Caalamka, oo meel ay u raacaan garan waayay hadallada iska soo horjeeda ee kasoo baxa dowladda.

Isticmaalka Baraha Bulshada oo aan ka fiirsasho laheyn, waxay keentay inay hoos u dhacdo Kalsoonidii shacabka ay u hayeen dowladda Federaalka, oo aan laheyn Siyaasad midaysan oo dhanka Warbaahinta ah.

Halkaan ka akhri qoraalka kasoo baxay xafiiska Ra'isal wasaraha Somaaliya.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ku tagey Wasaaradda Difaaca Soomaaliya

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa Wasaaradda waxa uu kulan la qaatay Wasiirrada Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-05-2025

  • 06:02PM

Trump oo Koonfur Afrika ku eedeeyay tacaddiyo isagoo kor u haya sawir laga qaaday Congo

Trump oo hadal jeedinayay inta lagu guda jiray kulanka, wuxuu kor u qaaday warqado daabacan…

  • Soomaliya

    22-05-2025

  • 04:18AM