Khayre oo telefoonka kula hadlay madaxweyne ku-xigeenka Turkiga

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dowladda Turkiga uga tacsiyadeeyay dhibaatadii ka dhalatay dhul gariirkii ka dhacay gobalka Elazig ee Bariga dalkaas.

Khayre oo khadka Taleefoonka kula xiriiray madaxweyne ku-xigeenka Turkiga, Fuat Oktay, ayaa u muujiyay sidda dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay uga tiiraayoonayaan dhibaatadii ka dhalatay dhul Gariirka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u rajeeyay dadka waxyeeladdu kasoo gaatay dhul gariirka in si dhaqsa leh ay ku bogsadaan.

In ka badan 25 ruux ayaa ku geeriyootay musiibada rabaaniga ah oo laga dareemay magaaladda Sivrice ee gobolka bariga waddankaas ku yaala ee lagu magacaabo Elazig.

Sidda ay sheegtay Hay'adda ka hortaga Musiibooyinka, waxaa ku dhaawacmay dhul-ruxanka in ka badan kun qof.

Macluumaadyo horudhac ah ayaa muujinaya in burburka maaliyadeed ee ka dhashay dhul-gariirka uu aad u badan yahay.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sanadihii u dambeeyay lahaa xiriir fiican oo diblumaasiyadeed, waxaana xukuumada Ankara ay haatan waddanka ka wadaa mashaariicyo horumarineed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ismari-waaga Siyaasadeed oo Halis Geliyay Rajadii Dowladda ee Taageerada Caalamiga ah iyo Ajandaha Amniga

Midda koowaad ayaa ahayd inay sare u qaaddo kalsoonida deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, gaar ahaan Bangiga Adduunka.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 07:50PM

Soomaaliya oo u yeertay Safiirka Kenya kadib markii Wasiir loo diiday gelitaanka Kenya

Dhacdadan ayaa timid wax ka yar bil kaddib markii sidoo kale la sheegay in Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 01:22PM