Khayre oo laga dalbaday inuu eryo wasiir katirsan xukuumadiisa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Cayaaraha dowladda federaalka Soomaaliya, Axmed Cumar Islow, ayaa eedeymo culus u jeediyey Wasiirka Wasaaradaas, Khadiijo Maxamed Diiriye.

Islow oo wariyeyaasha kula hadlay gudaha garoonka Injineer Yariisow ayaa Khadiijo ku eedeeyay "in ay ka seexatay" waajibaadka Wasaaradda oo ahaa horumarinta Isboortiga iyo Dhalinyaradda "kuna mashquushay" siyaasadda.

"Horumarka Isboorigu siyaasad maahan, horumarka dhalinyaradda siyaasad maahan. Sidaas daraadeed, annaga dhalinyaro ahaan diyaar ayaan nahay, dhiigeena Isboorti ayuu ku shaqeeyaa, laakiin qofkii mudnaa lama keenin wasaaradda".

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Khayre ayuu ka codsaday in xilka laga qaado Wasiir Khadiijo loona magacaabo Wasaaradda "qof dhalinyarro ah oo u qalma".

"Dowladda garoomada ayey dhiseysaa, deyntii ayaa dalka laga cafinayaa, wax badan ayey xukuumaddu qabaneysaa, laakiin arrimaha dhalinyarada ra'iisul wasaaruhu waa diyaar laakiin wasiirku [Khadiijo] waa ka jiif[t]aa," ayuu xusay.

Khadiijo iyo Islow ayaa kawada tirsan baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya gaar ahaan Aqalka Hoose.

"Bulshadeena boqolkiiba 75% waa dhalinyarro, marka ra'iisul wasaaraha waxaan leeyahay, ma waxaad dooraneysaa qofka Xildhibaanka ah ee golahaaga ka tirsan ee kuu coddeynaayo ama ku ammaanayo ama waxaad fiirsaneysaa codka 75%?".

Wasiir ku xigeenka oo sheegay in shaqadda Wasaaradda kusoo koobmeen "shirar iyo balanqaadyo been abuur ah" ayaa tibaaxay in Khadiijo ay ku kacday falal musuqmaasuq ah.

Ma bixin fahfaahin dheeri ah oo ku aadan eedeynta wax is-dabamarinta.

Wasaaradda Cayaaraha ayaa kamid noqoneysa Wasaaradaha xukuumadda Khayre ee madaxdoodu soo shaac-baxo khikaafka dhexdooda ah markii ay ku fashilmeen in ay qaab hoose ku xaliyaan.

Khilaafka labadda mas'uul ayaa la rumeysan yahay in uu salka ku hayo dooda ka socota baarlamaanka ee ku aadan noooca doorasho ee dalka ka dhaceysa sanadka dambe, taasoo mudaneyaasha ay ku kala qeyb sanyihiin.

Wasiir Khadiijo ayaa ka sheegtay fadhiga Golaha Shacabka in dalka aysan ka dhici karin doorashooyin qof iyo cod ah, iyaddoo xoojisay waqti ku darsiga.

Dhinaca kale, warar Garowe Online helay ayaa sheegaya in Farmaajo dhowaan ka codsadey Ra'iisul Wasaare Khayre in Wasiir Khadiijo uu xilka ka qaado kadib markii ay ka hor-timid siyaasadda xukuumadda.

Hase ahaatee, wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ah wuu ka gaabsaday. Khadiijo ayaa kamid ah xubnaha ka tirsan Laanta Fulinta ee xiriirka dhow la leh ra’iisul wasaaraha.

Farmaajo ayaa doonaya in doorashooyinka dalka ka qabsoomaya 2020-21 lagu saleeyo nidaamka matalaadda isku dheelitiran [proportional representation]. Hase ahaatee, waxaa kasoo horjeestay nidaamkan Wasiir Khadiijo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamsa Cabdi Barre: Mucaaradka Waxay Fulinayaan Danaha Dowlado Shisheeye

Barre ayaa sheegay in qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ay noqdeen afhayeenno u adeegaya hadallo kasoo baxay dowlado shisheeye.

  • Soomaliya

    19-05-2025

  • 08:28PM

Dowladda Masar oo ka hadashay Qaraxii lala eegtay Dhalinyarada qoranaysay Askarta

Bayaanka Masar ayaa si cad u sheegay taageerada dowladda Masar ee hay’adaha Soomaaliyeed, gaar ahaan ciidanka iyo ciidamada amniga.

  • Soomaliya

    19-05-2025

  • 12:56PM