Khilaaf ka dhex aloosan milatariga xukuma dalka Suudaan

Image
Dacm-sariic ayaa ah maleeshiyaad uu si aad ah u hubeeyay madaxweynihii hore ee Sudan, Cumar Xasan Axmed (Al-Bashiir).

KHARTUUM, Suudaan - Ku xigeenka madaxweynaha golaha madax-banaanida Suudaan ahna hogaamiyaha ciidamada gurmadka deg-dega ah (Dacm-sariic), Maxamed Xamdaan Daglo (Ximaydti), ayaa sheegay in uusan khilaaf ka dhaxayn Dacm-sariic iyo ciidamada milatariga dalkaas.

Ximaydti oo khudbad u jeediyay ciidamadiisa ku sugan saldhiga Karare ee magaalada Um-durmaan ayaa yiri: "Anaga khilaaf nagalama dhaxeeyo milatariga waxaanu is-haynaa kuwa isku dhajinaya xukunka".

Hogaamiyaha milatariga Sudan ahna madaxweynaha golaha madax banaanida, Cabdifataax Al-Burhaan, ayaa isagu haatan dalkaasi hogaamiya isaga oo ka cago jiidaya in si deg-deg ah rayidka loogu wareejiyo xukunka dalka.

Dacm-sariic ayaa ah maleeshiyaad uu si aad ah u hubeeyay madaxweynihii hore ee Sudan, Cumar Xasan Axmed (Al-Bashiir) iyaga oo ka dagaalami jiray gobalka Darfoor ee dagaaladu ay ragaadiyeen waxaana aan si dhab ah loo ogayn tiradooda.

25 Dec 2019 ayay Khartuum ku kala saxiixdeen heshiis xoogaga isbedel doonka rayidka ah iyo milatariga balse waxaa heshiis kaasi gebi ahaanba afka ciida u daray hogaamiyaha milatariga iyadda oo aanan wali waddanka yeelan Barlamaan iyo hay'addo sharci oo ku yimid hanaan doorasho ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM