Khilaaf ka jira wax ka bedelka tiradda xeer-dejinta Koonfur Galbeed

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Ismari waa aad u xoogan ayaa wuxuu ka taagan yahay wax ka bedelka tiradda xubnaha baarlamaanka Koonfur Galbeed, sidda uu fahansan yahay warsidaha Garowe Online.

Isqabqabsiga ayaa wuxuu u dhaxeeya madaxweyne Cabdicasiis Xasan Lafta Gareen iyo qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka.

Lafta Gareen oo sanad guuradda koowaad ee doorashadiisa ay soo dhow-dahay ayaa damacsan in uu hoos u dhigo tiradda Golaha Wakiiladda, halka cuqaasha ay kasoo horjeedaan.

Mudaneyaasha ayaa haatan ah 149 Xildhibaan, waxaana Lafta Gareen uu doonayaa in uu ka dhigo 95, isaga oo coksanaya Dastuurka dhidhibadda loogu taagay dowlad goboleedkaas.

Dooda hogaamiyaha maamulka Baydhabo ayaa ku qotonta Miisaaniyadda ku baxda howlaha baarlamaanka oo badan tahay. Sidda laga soo xigtay isaga, waxay gaareysaa 150-kun oo Doollar.

Malaaqyadda ayaa dhankooda coksanaya in hadii tiradda hoos loo dhigo ay ka dhalan karto sad-bursi iyo sinaan la'aan ku saabsan tiradda ay bulshooyinka ku yeelanayaan xeer-dejinta.

Muddo xileedka

"Sidaa ogtihiin, baarlamaanka Koonfur Galbeed sidda maamul goboleedyadda kale ma nihin, waxaa kala hormaray dhismaha dowladda iyo baarlamaanka," ayuu u sheegay Odayaasha dhaqanka.

Mudda xileedka Golaha Wakiiladda haatan jira ee Koonfur Galbeed ayaa wuxuu dhamaanaya 8-da bisha December ee sanadkan 2019.

"Waxaa nagala rabaa in aan baarlamaan cusub dhisno. Baarlamaankii hore wuxuu ahaa 149 Xildhibaan, dastuurka waxaa ku qoran 95 Xildhibaan, waxay u baahan tahay in leys waafujiyo," ayuu ku daray.

Xaqiiqadda layaabka leh ee jirta waxay tahay in baarlamaanka Koonfur Galbeed uu ka badan yahay marka leysku daro Golaha Wakiilada Puntland iyo Jubaland oo wadar ahaan ah 139 sharci-dejiyeyaal.

150-kun oo Doollar

Lacagta 150-kun oo Doollar ayaa ah qoondada ay maamuladda Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle ku leeyihiin Miisaaniyadda federaalka maadaama aysan lahayn dekad shaqeyneysa.

Qiimahaan ayaa waxaa loo siiyaa in ay ku xaliyaan mashaakilka gudaha ka jira gaar ahaan dhanka ammaanka iyo horumarinta.

"Lacagtaas iyadda ahayd intii aan aniga imid wax ammaan ah oo aan ku qabanay ma leh, waxaan u wareejinay baarlamaanka, 150-kun waaye 150-kaba baarlamaanka qaadanayo," ayuu xusay.

Odayaasha Dhaqanka oo ku mayal adag doodooda ayaa waxay isku dayaya in ay ku qanciyaan madaxweynaha in uu tixgeliyo soo jeedintooda.

"Si aan uga fogaano isqabqabsi, waxaan qabnaa loo daayo 149-ka, si qof walba wixiisa uu u helo," ayu yiri Malaaq Deerow, afhayeenka Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed, oo la hadlay GO.

Lama ogga halka ay saldhigan doonto isqabqabsiga la xiriira tiradda laga dhigayo Xildhibaanadda maamul goboleedkan.

Lafta Gareen oo xiriir wanaagsan la leh Villa Soomaaliya ayay Qaramada Midoobay shaacisay in doorashadiisii December 2018-kii ay xukuumadda ku maalgelisay boqolaal kun oo Doollar-ka Mareykanka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Milanka Al-Shabaab ee Ciidanka Qaranka oo Walaac Dhalinaya Kadib Dilalka Taliyeyaal Sare

Khabiirada amniga ayaa si isa soo taraysa uga digaya in Al-Shabaab ay si qoto dheer ugu milantay Ciidanka Qaranka.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 04:26PM

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmaya Saraakiil ka socota Itoobiya iyo Kenya

Madaxweynaha Jubbaland ayaa booqashadiisa sidoo kale ku saabsan sidii uu ugu raadin lahaa taageero dheeraad ah oo caalami ah.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 12:27PM