Kismayo: Waxyaabaha diiradda lagu saaray shirkii Wasiirrada Somalia

Image

KISMAYO, Somalia- Shirkii Golaha Wasiirada ee Xukuumada Dowlada Federaalka Soomaaliya oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa lagu qabtay magaalada kismaayo iyadoo warbixin laga dhageystay Madaxweynaha Jubbaland, lagana soo saaray awaamiir dhanka amniga ah, laguna ansixiyey Sharciyada Waxbarashada Guud ee dalka iyo kan Saxaafada.

Ra’iisul Wasaaraha oo furay Shirka ayaa ka codsaday Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe inuu warbixin ku aadan xaalada guud ee Jubbaland ka siiyo Golaha Wasiirada. Madaxweynaha Jubbaland ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha iyo xukuumada tallaabada geesinimada leh oo ay shirkoodii caadiga ahaa ku qabsanayaan Kismaayo. Axmed Madoobe ayaa ka warbixiyey marxaladaha ay soo mareen Jubbaland iyo sida ay hay’adaha dowliga ah u dhiseen waxii caqabdo jireyna ay uga soo gudbeen, maantana ay ka fikirayaan sii horumarinta amniga, iyo u adeegista bulshada. Golaha Wasiirada ayaa warbixin kooban ka dhageystay hay’adaha amniga Jubbaland oo ka warbixiyey xaalada amniga, xogaha ay ka hayaan cadowga, qorsheyaasha u degsan ee la dagaalanka argagaxisada.

Wasiirka Amniga dalka Mudane Maxamed Abukar Islow (Ducaale) ayaa golaha siiyey warbixin ku aadan sidii amniga loo sii xoojin lahaa oo kooxaha argagaxisada ah cadaadiska ay ku hayaan bulshada looga joojin lahaa. Warbixin dheer ka dib golaha wasiiradu waxey go’aamiyeen in cid allaale iyo cidii lagu helo inay taageerto argagaxisada ha noqoto dhanka maaliyada, siyaasada iyo niyadaba in tallaabo sharci ah laga qaadi doono, haddana ay jiraan shaqsiyaad lagu raad joogo.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Eng. Yarisow ayaa Golaha horgeeyey Xeerka Saxaafada oo wax-ka-bedel lagu sameeyey qoddobo ka mid ah, kana warbixiyey xaaladaha uu soo maray iyo wadatashiyada ballaaran oo ay la yeesheen Dowlad Goboleedyada, suxufiyiinta Soomaaliyeed, bulshada rayidka ah, hay’adaha caalamiga ah sida SMSG, UNSOM, IMS/FOJO, iyo kuwo kale. Golaha Wasiirada ayaa ansixiyey Xeerka Saxaafada oo muhiimad gaar ah u leh suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo hourmarinta warbaahinta dalka.

Wasiirka Waxbarashada Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa isagana golaha horkeenay Sharciga Waxbarashada Guud ee dalka oo ahmiyad gaar ah u leh horumarinta waxbarashada dalka. Golaha Wasiirada ayaa ansixiyey Sharciga Waxbarashada Guud.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Juxa ayaa golaha horkeenay Hindise Sharciyeedka Jinisyada kana warbixiyey muhiimada uu dalka u leeyahay, kana codsaday wasiirada inay soo akhristaan sharciga waxii tallooyin ahna ku soo biiriyaan si loo horkeeno shirarka danbe oo loo ansixiyo.

Wasiirka Cadaalada Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa golaha warbixin ka siiyey xaalada maxaabiista Soomaaliyeed ee dalalka dibeda ku xiran. Warbixintaas ka dib golaha wasiirada waxey isla garteen ahmiyada u adeegista muwaadiniinta Soomaaliyeed iyadoo la isla gartay in warbixin dhab ah laga keeno maxaabiista tiradooda guud iyo dalalka ay ku xiranyihiin si dalkooda loogu soo celiyo, iyadoo la illaalinayo karaamadooda iyo sharfkooda.

Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale maanta u codeeyey oo ansixiyey xaquuqda Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo go’aanka golaha wasiirada loo gudbin doono Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo si uu dekreeto uga soo saaro. Dastuurka ayaa u oggolaanaya in Madaxweynihii hore oo xilka si nabad ah ku wareejiyey uu yeelanayo xaquuq isaga iyo qoyskiisa ah.

Ugu danbeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay ahmiyada doorashooyinka dalka 4ta sano ee soo socoto, kana codsaday wasiirada in la diyaariyo dhammaan qorsheyaasha lagu hubinayo in loo diyaar garoobo doorashooyinkaas. Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddi heer wasiir ah u magacaabi doono dhowaan si loo dardargeliyo barnaamijka doorashooyinkooda

GAROWEONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM

CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:43AM