Koonfur Galbeed oo ku jirta diyaargarowgii ugu dambeeyay ee dagaalka ka dhanka ah ‘AS’

Image

DIINSOOR, Soomaaliya - Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka socda diyaar garowga wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Diyaargarowgan ayaa kusoo beegmaya iyadoo madaxweynaha maamulkaas, Cabdicasiis Xasan Laftagareen iyo Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka ay gaareen magaalada Diinsoor.

Wasiirka Gaashaandhigga oo khudbad ka hor jeediyay ciidamada dowladda iyo shacabka, ayaa ugu baaqay inay ka qeyb qaataan dagaalka soo socda.

Waxaa la filayaa in wejiga labaad dagaalka la billaabo ka dib markii dowladda Federaalka ay gebi ahaanba soo afjarto khatarta ay argagixisada ku hayaan deegaannada Galmudug iyo Hirshabeelle.

Al-Shabaab ayaa weli maamula magaalooyin waaweyn oo dhaca koonfurta gobolka Mudug, Bariga gobolka Galgaduud iyo Galbeedka Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM