​Koox burcad ah oo lagu qabtey Muqdishu

Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia - Ciidamada amaanka dowladda Federaalka, ayaa gacanta ku dhigay Koox burcad ah, oo dadka ku dhici jiray xilliga habeenkii xaafado ku yaalla degmada Yaaqshiid, ee gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha degmada Yaaqshiid Axmed Xasan Maxamuud, ayaa sheegay in raggan burcada oo gaaraya saddex lasoo qabtey Howlgal ka dhacay xalay Xaafada Juungal, iyagoo dhac u gaysanaya shacabka.

Axmed ayaa tilmaamay in Raggan oo watey Mooto Bajaaj iyo qori AK-47 ah, mid kamid ah looga dhaawacay Israsaaseyn iyaga iyo ciidamada amaanka maamulka ku dhexmaray qeybo katirsan Juungal.

Wasiirka Amniga dowladda dowladda Maxamed Abuukar Islow [Ducaalle], iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa tagey Goobta lagu soo bandhigaayay qawlaysatada ah.

Wasiirka amniga ayaa bogaadiyay Ciidamada xasilinta Caasumadda howsha ay u hayaan shacabka, wuxuuna ugu baaqay inay kordhiyaan, si loo soo celiyo amniga iyo kala dambeynta Muqdishu.

Ciidamada waxay baro-koontarool ka sameysteen duleedka magaalada, oo ay ku baaraan Gaadiidka ka yimaada gobollada ee ku socda Muqdishu, si looga hortago qaraxyada Al shabaab.

Waxay fashiliyeen ciidamada dhowr qarax todobaadyadii lasoo dhaafay, kuwaasi oo qaarkood lagu soo qariyay Gaadiidka xamuulka qaada, oo khudaar iyo dhuxul u waday Caasumadda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM