Kooxda Al-Shabaab oo 20 KM wax ka yar u jira Baydhabo

Image
Magaalooyinka Baydhabo iyo Buur-hakaba oo isu jira in ka yar 70 KM ayaa loo kala raacaa diyaarad.

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Al-Shabaab ayaa wali ku sugan saldhigyadii ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa koonfur Galbeed ay horey uga daganaayeen deegaanka Daynuunaay ee duleedka Baydhabo.

Daynuunaay ayaa wax ka yar 20 KM u jirta Baydhabo dhanka wadada Buur-hakaba iyada oo madaxda maamul goboleedka iyo ciidamadu wadadaasi adeegsan.

Magaalooyinka Baydhabo iyo Buur-hakaba oo isu jira in ka yar 70 KM ayaa loo kala raacaa diyaarad taas oo su'aal gelisay haddii maamulka ka go'an tahay la dagaalanka maleyshiyadda.

Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed "Laftagareen" oo booqasho ku tagay Buur-Hakaba ayaa sheegay in ay furayaan wadadaasi isla markaana ay ka sifaynayaan "Qaadicul dariiqa" .

Xoogaga gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida ayaa dhawaan go'doomiyay magaaladda Baydhabo iyada oo la is waydiinayo sababta maamulkaan mudada jiray uusan wali guulo uga keenin dagaalka Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamo mucaarad ku ah Lafta-Gareen oo la wareegay Qansaxdheere 

Xaaladda Qansaxdheere ayaa weli ah mid kacsan, waxaana jira cabsi xooggan oo ay dadka rayidka ah ka qabaan in markale uu dagaalku dib u qarxo.

  • Soomaliya

    14-03-2026

  • 02:11PM

Qarax khasaare u geystay ciidanka difaaca Puntland oo ka dhacay gobolka Bari

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayso walaaca laga qabo habsami u socodka hawlgallada Puntland.

  • Soomaliya

    13-03-2026

  • 07:10PM