Kooxda Al Shabaab oo haweenay ku dishay degmada Mahadaay

Image

MAHADAAY, Somalia- Rag katirsan Kooxda Al shabaab ayaa Haweenay ku dishay gudaha degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Haweenaydan oo lagu magacaabi jirey Sacdiyo Maxamed Maxamuud "Gaab" ayaa xalay saqdii dhexe lagu dhex-diley gurigeeda oo ku yaalla xaafadda Horseed, ee degmada Mahadaay.

Nin la dhashay Haweenayda la dilay ayaa u xaqiijiyay GO in Al shabaab ka dambaysa dilkan, inkastoo uu sheegay inaan la aqoon sababta loo qur-gooyay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ninka qabay Sacdiya uu katirsanyahay ciidamada dowladda Somalia.

Dadka ku nool degmada Mahadaay ayaa sheegay in falkan uu yahay mid laga arga-gaxo, maadama ay tahay dhacdo ugub ku ah Mahadaay.

Saraakiisha Maamulka degmada ayaan wali ka hadal dilka naxdinta leh ee xalay loo geestay Sacdiyo Maxamed Maxamuud "Gaab", balse waxaa socda baaritaano ku aadan dilkaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM