Korontiistihii la kulmay Abuu Cubeyda ee xabsi daa'inka lagu xukumay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamadda Ciidamadda ayaa maanta oo Talaado xukuntay sagaal ruux, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay xubin buuxda ka aahaayeen sirdoonka [Amniyaatka] Al-Shabaab.

Raggan ayaa bishii Maaj lagu soo qabtay howlgalo ay ciidanka la dagaalanka argagixisada ka sameeyeen degmooyinka Yaaqshiid-Heliwaa ee dhaca Waqooyi Bari iyo Koonfur Galbeed ee Muqdisho.

Dhamaantooda marka laga reebo Axmed Cabduqaadir Axmed waxaa garka loo geliyay xukuno xabsi ah. Axmed ayaa lagu ciqaabay xabsi daa'in, maadaama dambigiisa uu ahaa mid aad u weyn.

Dadka xukunada xabsiga ah lagu riday waxaa ku jirta Saafi Ciise Arwaax, taas oo 2018-kii ku biirtay Al-Shabaab. Arwaax waxaa ku riixday haweenay seygeeda ku geeriyooday isagoo qarax sameynaya.

Duleedka magaaladda Muqdisho ayaa hoy u ahaa, iyadda oo u qaabilsaneyd u kala gudbinta hubka iyo suunka qaraxyadda. "Daruufaha ku kalifay waxaa kamid in ay kala tageen ninkeeda".

Waa kuma Axmed Cabduqaadir?

Magaciisa oo dhameystiran waa Axmed Cabduqaadir Axmed Xuseen. Xoogaga xiriirka la leh shabakadda balaaran ee Al-Qaacidda ayaa waxaa looga dhex-yaqaanaa Abuu Khadiira, oo afgarasho ah.

Bishii Maaj 14-keeda 2019-kii ayuu soo galay gacanta hay'addaha ammaanka. Bishii September 8-deeda ayaa loo wareejiyay xabsiga dhexe, halkaas oo ay ugu bilaabatay su'aallo waydiinta.

2017-kii ayuu kamid noqday Al-Shabaab, sidda ku cad qiraaladda laga qoray oo la dusiyey. Kadib waxaa tababar loogu qaadey meelo kala duwan oo ay kamid yihiin Jubbooyinka iyo Shabeellaha Hoose.

Abuu Khadiira, oo loo tababaray dilalka gaadmada ah iyo qaabka loo sameeyo qaraxyadda, ayaa kadib wuxuu kusoo laabtay magaaladda caasimada ah ee Muqdisho, si uu fuliyo "dhagaro".

"Shabakadda maxkamadeyntooda lasoo gabagabeeyay ayuu u ahaa hogaamiye," ayuu yiri sarkaal codsaday in aan magaciisa la baahin. Sidda laga soo xigtay sarkaalka, Axmed wuu qirtay dambiga.

Axmed ayaa u sheegay baareyaasha in markii uu tababarka u soo idlaadey la kulmeen horjoogeyaal sarre uuna kamid yahay Axmed Diire Cumar [Abuu Cubeyda], hogaamiyaha Al-Shabaab.

Kahor inta uusan ku biirin dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab, Axmed ayaa kasoo shaqeeyay dhowr xirfado, waxaana kamid ah korontadda, sidda ku xusan qiraaladda.

"Markii uu noo yimid waxaan kamid ahaa dhowr xubnood oo uu hab-siiyey maadaama aan safka hore fadhiyey," ayuu u sheegay baareyaasha, sidda laga soo xigtay saraakiisha.

Markii shabakadan horjooge looga dhigay, shaqadda ugu weyn ee Abuu Khadiira ayaa ahayd naqshadeynta weerarada si lamid ah xagjireynta iyo qorista dhalinyaradda.

Axmed Cabduqaadir Xuseen, oo lagu waddo in ay warbaahinta dowladda wareysi ka qaado, ayaa wuxuu haysta muddo ku suntay 30-casho oo uu rafcaan kaga qaadan karo xukunka xabsiga daa'inka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmaya Saraakiil ka socota Itoobiya iyo Kenya

Madaxweynaha Jubbaland ayaa booqashadiisa sidoo kale ku saabsan sidii uu ugu raadin lahaa taageero dheeraad ah oo caalami ah.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 12:27PM

Fahfaahin: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka saakay ka dhacay Damaanyo, oo ah meel muhiim ah oo AS bartilmaameed u ahayd.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 08:31AM