Ku dhawaad ​​200,000 qof oo ku barakacay daadadka Beledwayne

Image
Ugu yaraan saddex ruux kale ayaa si rasmi ah loo xaqiijiyey in ay ku dhinteen fatahaada.

BELEDWAYNE, HirShabelle - Ku dhawaad ​​200,000 oo qof ayaa ku barakacay daadadka ka fatahay magaaladda Beledwayne ee bartamaha Soomaaliya, sidda uu sarkaal sarre u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

Fatahaada ayaa timid ka gadaal markii webiga Shabeelle uu qararka jabsaday, isla markaana uu biyaha ay buux-dhaafiyeen guud ahaan waddooyinka muhiim ah ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dadka ku dhaqan magaalada ayaa guryahooda ka qaxay kaddib markii roobab xooggan ay ka da’een. Sawirro laga soo qaadey ayaa muujiyey dadka qaar oo madaxa ku qaadanaya agabkooda.

"200,000 oo qof ayaa hadda ku barakacay fatahaadda webiga Shabeelle uu ka sameeyay magaalada Beledweyne, waxaana laga yaabaa in ay sii kordhaan tirada dadka, hadda waa mid horudhac ah,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha bulshada ee maamulka gobolka Hiiraan Cali Cismaan Xuseen.

Xuseen oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaas kusii daray: "Waxaan sameyneynaa wax walba oo aan awoodno si aan u caawinno kuwa ay dhibaatadu saameysey".

Guddoomiye ku xigeenka gobolka, Xasan Ibraahim Cabdulle, ayaa Jimcihii todobaadkii lasoo dhaafay waxa uu si rasmi ah u xaqiijiyey in saddex qof ay ku dhinteen fatahaadda.

Masiibadaan ayaa timid xilli ay taagan yihiin abaaro taariikhi ah, taasoo keentay in malaayiin Soomaali ah ay qarka u saaran yihiin macaluul iyo dagaal ba'an oo ka dhan ah Al-Shabaab oo gobolka ka socday bilooyinkii dambe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM