Kulanka Barlamanka oo Kooram la'aan u baaqday

Image

MUQDISHU, Somalia - Kulankii Barlamanka ee looga doodi lahaa xilheynta Wasiirka Dastuurka Somalia Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, ayaa u baaqday Kooram la'aan kadib markii ay soo xaadi waayeen Xildhibaanada intooda badan.

Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Barlamanka Cabdiwelii Sheekh Ibraahim Muudey ayaa ku dhawaaqay baaqshada Kulanka Gollaha Shacabka.

Kooraamka Kulamada Barlamanka waxay ku furaam 139 Xildhibaan, waxaana maanta soo xaadiray 130 Mudane, taasina keentay baaqshada fadhiga maanta ee looga doodi lahaa Xasaanada Wasiirka Dastuurka.

Wararka soo baxaya ayaa waxay sheegayaan in baaqashada Kulanka ay tahay mid laga soo shaqeeyay, oo Wasiirka Xoosh ku lug leeyahay, islamarkaana uu si hoose ula heshiiyay Xildhibaano isago la safan, si aan xasaanada looga qaadin.

Wasiir Xoosh ayaa tagey saaka Gollaha Shacabka, isagoo kasoo laabtey magaalda Nairobi, oo todobaadkan u aaday Xaalad caafimaad.

Xarunta Guddoonka iyo Gudiyada joogtada Barlamanka ee Villa Hargeysa, ayaa shalay illaa xalay ka socday shirar gaargaar ah, oo laguu fashilanayo Kulanka looga doodayo Xilka-qaadista Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

Xildhibaanada ayaa Axadii lasoo dhaafay cod-gacan taag ah ku diiday codsiga Wasiirka ee ah inuu imaan karin Kulankii sa'uulaha lagu waydiin lahaa, sababo la xiriira caafimaadkiisa, oo dibadda u aaday xilligaasi.

Wasiirka ayaa lahu haystaa qoraallo badan oo uu ku qoray Barahiisa Internet-ka, oo uu ku weeraray Barlamanka, kadib markii uu diiday go'aankii Maxkamada sare, ee ahaa in dib loogu laabto doorashada 8 Xildhibaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:43AM

QM oo ku baaqday in Soomaaliya dib u eegto sharciyada la-dagaalanka argagixisada, xilli xasaasi ah

Wuxuu xusay in dambiyo aan dil la xiriirin ay haddana keeni karaan xukun dil ah, taasoo aan la jaanqaadayn shuruucda caalamiga ah.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:09AM