Kulanka Barlamanka oo Kooram la'aan u baaqday

Image

MUQDISHU, Somalia - Kulankii Barlamanka ee looga doodi lahaa xilheynta Wasiirka Dastuurka Somalia Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, ayaa u baaqday Kooram la'aan kadib markii ay soo xaadi waayeen Xildhibaanada intooda badan.

Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Barlamanka Cabdiwelii Sheekh Ibraahim Muudey ayaa ku dhawaaqay baaqshada Kulanka Gollaha Shacabka.

Kooraamka Kulamada Barlamanka waxay ku furaam 139 Xildhibaan, waxaana maanta soo xaadiray 130 Mudane, taasina keentay baaqshada fadhiga maanta ee looga doodi lahaa Xasaanada Wasiirka Dastuurka.

Wararka soo baxaya ayaa waxay sheegayaan in baaqashada Kulanka ay tahay mid laga soo shaqeeyay, oo Wasiirka Xoosh ku lug leeyahay, islamarkaana uu si hoose ula heshiiyay Xildhibaano isago la safan, si aan xasaanada looga qaadin.

Wasiir Xoosh ayaa tagey saaka Gollaha Shacabka, isagoo kasoo laabtey magaalda Nairobi, oo todobaadkan u aaday Xaalad caafimaad.

Xarunta Guddoonka iyo Gudiyada joogtada Barlamanka ee Villa Hargeysa, ayaa shalay illaa xalay ka socday shirar gaargaar ah, oo laguu fashilanayo Kulanka looga doodayo Xilka-qaadista Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

Xildhibaanada ayaa Axadii lasoo dhaafay cod-gacan taag ah ku diiday codsiga Wasiirka ee ah inuu imaan karin Kulankii sa'uulaha lagu waydiin lahaa, sababo la xiriira caafimaadkiisa, oo dibadda u aaday xilligaasi.

Wasiirka ayaa lahu haystaa qoraallo badan oo uu ku qoray Barahiisa Internet-ka, oo uu ku weeraray Barlamanka, kadib markii uu diiday go'aankii Maxkamada sare, ee ahaa in dib loogu laabto doorashada 8 Xildhibaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM