Kulanka Farmaajo la qaadanayo xisbiyada oo weji gabax wajahaya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu waramayaa in uu saacadaha soo aadan la kulmi doono xisbiyadda siyaasadeed ee haysta diiwaan-gelinta ku meel gaarka ah ee Guddiga Doorashooyinka.

Kulankaas ayaa waxaa looga arinsanayaa arrimo ku xeeran doorashooyinka lagu waddo in ay dalka ka qabsoomaan sanadka 2020/21.

Hase ahaatee, is-aragga ayaa durba wuxuu wajahayaa waji gabax maadaama uu qaaday xisbi kamid ah kuwa ugu muhiimsan waddanka.

Xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir ayaa shaaca ka qaadey in uusan ka qeybgeli doonin kulankaas, hadii aan la fulin shuruud horleh.

"Xisbiga Wadajir wuxuu diyaar yahay in uu ka qeyb qaato kulamada looga arrinsanayo hannaanka doorashooyinka 2020, haddii ay cadaato in Madaxwayne Farmaajo uu daacad ka yahay wadatashiga la xariira doorashooyinka 2020-ka"

"...wuxuuna Xisbigu dhab u qaadanayaa wada tashiyada, Marka uu Madaxweynuhu si cad shacabka Soomaaliyeed ugu cadeeyo una balanqaado in uu san hal maalin ku darsan doonin muddo xileedkiisa," ayuu yiri.

Mas'uul sarre oo xisbiga ka tirsan ayaa sidoo kale wuxuu shuruud ka dhigay in raaligelin laga siiyo weerarkii xaruntooda lagu qaadey 17-kii December 2017, kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac.

"Waa in cudurdaar iyo magdhaw ka bixiso dowladdu dhibkii ay Xisbiga Wadajir u geystay haddii uu Madaxweynuhu cadeeyo mowqifkaas ayuu Xisbigu diyaar u yahay in la xaajoodo dowlada," ayuu ku daray.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhowaan la kulmay hogaanka Madasha Xisbiyadda Qaran, kuwaas oo uu kula heshiiyey in qodobo ay kamid yihiin; hirgelinta doorashadda, dagaalka Al-Shabaab iyo xalinta khilaafka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM