Laascaanood: Muuqaal laga duubay maxbuus dagaal oo muran dhaliyey

Image
Cabdiraxiin Cali Ismaaciil

LAASCAANOOD, Soomaaliya - Muuqaal laga duubay maxbuus dagaal Faysal Cabdi Bootaan oo dhawaan ku faafay baraha bulshada ayaa dhaliyay muran baahsan, iyaga oo qaar ka mid ah dadka ku dhaqan Laascaaano ay u arkeyn in lagu maamuusay.

Qaar badan oo ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Laascaano ayaa ka biyo diidsan qaabka loola dhaqmay waxa ay u arkaan in uu yahay dambiile dagaal Faysal Cabdi Bootaan, maadaama uu dambiyo ka galay dad rayid ah, sida ay aaminsanyihiin.

Buuq iyo carro dadweyne ayaa Duqa magaalada Laascaanood Cabdiraxiin Cali Ismaaciil ku qasbay inuu qabto shir jaraa’id oo uu ku caddeeyey mawqifkiisa ku aadan muuqaalkan.

Jawaabta maayarka Laascaanood ayaa beenisay inuu isagu sidaan ula dhaqmay, wuxuuna sheegay in hogaamiye ku xigeenka SSC-Khaatumo Maxamed Cabdi Shiine uu yahay qofka ku soo wareejiyay.

Waxa uu intaas raaciyay: "Waxaan rumeysannahay inuu yahay dambiile dagaal, annaguna ma ahayn kuwii sidaas ula dhaqmay, balse askartii soo xirtay ayaa codsatay inay ka duubaan muuqaal".

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu sheegay in uu maxbuuska mas’uul ka ahaa oo kaliya markii lagu soo wareejiyay, isagoo ku nuux-nuux saday in mas’uuliyadda muuqaalka laga duubay uu ku dhacay garbaha dadkii kaga horreeyay oo uu kala wareegay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM