Labada dood ee hareyn doona wadahadalada Muqdisho
MUQDISHO, Soomaaliya – Hogaamiyeyaasha Soomaalida ayaa mar kale caasimada Muqdisho waxay ku yeelanayaan shir lagu gorfeynayo xalka is-faham-waaga daba-dheeraadey ee ka taagan qabsoomida doorashooyin loo-dhan-yahay kuna dhaca waqtigooda. Kulankan waxaa qaban-qaabiyey diblumaasiyiinta shisheeye.
Wadahadaladda ayaa ku qabsoomaya Teendhada Afasiyooni oo ah goortii madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Farmaajo lagu doortay afar sano kahor. Madashaan oo amnigeeda ay sugaan ciidamadda AMSIOM waxaa la doorbiday markii madaxda maamulada qaar ay dalbadeen goob dhexdhexaad ah.
Dabcan, madaxda ka qeybgaleysa shirka ayaa wata ajendayaal kala duwan. Hasa ahaatee, Beesha Caalamka oo damaanad-qaadayaal ka ah fulinta natiijadda kulaka ayaa la filayaa in madaxda ku riixdo dhaqan-gelinta is-afgaradkaas.
Inta la og-yahay, qodobadda hareyn doona shirka ayaa kala ah laba qodob oo kala ah; in la saxiixo soojeedintii guddiga farsamo ee ku shiray Baydhabo oo ay gedaal ka riixeyso Madaxtooyadda Soomaaliya oo diidan in la furo heshiiska isla markaana laga waddaxaajoodo arrimo ay kamid tahay amniga coddeynta.
Balse, daraf kale oo riixaya in la furo heshiiska ayaa doonaya in lagu daro qodobo damaanad-qaadaya amniga doorashooyinka, in madaxweynuhu saxiixo warqad caddeyneysa in waqtiga ka dhacay lana laalayo wixii go’aano masiiri ah oo Fulinta iyo Sharci-dejinta ansixiyeen kadib dhamaadka muddo xileedkooda dastuuriga.
"Dib-u-dhac, balse halis soo socota baa ka weyn"
Maadaama kala aragti-duwanaanta ay cadahay, waxaa la filayaa in dooduhu noqon doonan kuwa aad u adag isla markaana waqti badan qaadan doona.
Afyari Cabdi Cilmi, oo ah falanqeeye arrimaha siyaasadda Soomaaliya ahna madaxa Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage, ayaa sheegay in "dib-u-dhac" ay tahay in madaxda Soomaalida ay ku fashilmaan in ay xaliyaan arimahooda gaarka ah isla markaana shisheeye u kala dab-qaadayo.
Mr Cilmi ayaa rumeysan in hadii fursadan ay hogaamiyeyaasha Soomaalida ku heshiiyaan ay sii balaaran karto kaalinta Beesha Caalamka ee wadahadalada.
"In Xalane la tagay waa dib-u-dhac. Xalane juquraafi ahaan Soomaaliya ayuu ka tirsan yahay, laakiin hadda madax-banaanida, ammaanka iyo cidda hadda awoodeysa haysa waa la og-yahay. Marka waxaan un kaliya ka sukeynaa waa in aanan aadin caasimadda dal kale. Laakiin haddey sidaan wax ku socdaan waxaa laga yaabaa in la gaaro. Soomaalida waa in ay iska dadajiyaan oo ay xaliyaan," ayuu Afyare u sheegay BBC Somali.
Beesha Caalamka oo daaha gedaashiisa ka abaabuleysa wadahadaladda bilaaban doona ugu yaraan dhamaadka todobaadkan ama bilowday asbuuca soo aadan ayaa doorkeeda ay ku leedahay wali si furan u shaacin, waxaana ay talaabadaas u qaadeen si aan loogu arkin in ay ku xadgudbayaan madax-banaanida Soomaaliya.
GAROWE ONLINE