Labo nin oo loo xukumay wariye 2011-kii lagu afduubtay Soomaaliya

Image
Michael Scott Moore ayaa wuxuu ahaa wariye u dhashay dalka Jarmalka balse heysta dhalashada Mareykanka.

NEW YORK, United States - Labo nin ayaa lagu helay in ay gacan siiyeen kooxo burcad badeed Soomaali ah oo madax furasho ahaan u afduubtay wariye u dhashay Mareykanka kaasoo ay haysteen 2/2-sano.

Maxamed Tahliil Maxamed iyo Cabdi Yuusuf Xasan ayaa 24-kii bishii Febaraayo ee sanadkan waxaa lagu xukumay xabsi daa’in, sidda uu CTV kasoo xigtay dacwad-oogeyaasha.

Sidda ku xusan warbixinta, maxkamadda federaaliga ah ee New York ayaa labadan ruux waxay "ku heshay dambiyo ah afduub, shirqool, taageero agab ah oo falal argagixisanimo iyo dambiyo kale".

Michael Scott Moore oo ahaa wariye u dhashay dalka Jarmalka balse heysta dhalashada Mareykanka ayaa bishii Janaayo ee sanadkii 2012 waxaa laga afduubtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Gaalkacyo oo ay waqooyi iyo koonfur ka kala maamulaan Puntland iyo Galmudug ayaa 400 mayl (643.7km) waqooyi bari kaga beegan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Moore ayaa waxa uu si madax-banaani ahaan ugu shaqaynayay wargeyska Jarmalka ee Spiegel Online oo uu u baarayay buug ka hadlaya budhcad-badeednimada.

Shuftada qafaalatay ayaa waxay dalbadeen lacag dhan 20 milyan oo doolar oo madaxfurasho ah, waxayna hal mar sii daayeen muuqaal muujinaya Moore oo ay ku hareeraysan yihiin afduubayaal wejiyada soo duubtay, kuwaas oo ku fiiqaya qoriga dhashiikaha iyo baasuukaha.

Moore ayaa la sii daayay Sebtembar 2014. Moore waxa uu sheegay in qoyskiisa ay u ururiyeen $1.6 milyan si loo sii daayo. Afduubkiisa waxa uu xilligaas dab kusii shiday ololaha ka dagaalanka burcad-badeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM