Labo qodob oo dowladda Soomaaliya u aragto xalka khilaafka Puntland

Image
Wasiirka arrimaha gudaha xukuumada federaalka, Axmed Macalin Fiqi, ayaa soo bandhigay soo jeedintan.

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxaa si dhab ah uga go’an in ay wadahadal ku wajahdo khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya Puntland, sidda uu shaaca ka dhigay wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre.

Axmed Macalin Fiqi oo wareysi gaar ah siiyey warsidaha fadhigiisu yahay waddanka Kenya ee The East African ayaa waxa uu kalsooni ka muujiyey in xalka lagu gaari doono wadaxaajood nabdoon iyo hanaan iskaashi ah.

"Puntland waa xubin mug leh oo kamid ah dowlad-goboleedkayaga Federaalka ah (FMS) waxayna mar walba kaalin muhiim ahku leedahay hannaanka siyaasadeed ee dalka iyo dib u soo kabashada qarannimada Soomaaliya," ayuu carabka ku dhuftey wasiirka.

Marka laga yimaado is-qabqabsiga salka ku haya danaha shaqsiga ah, arrimaha ugu waaweyn ee is-maan-dhaafka ka taagan yahay waxaa kamid ah; qabyo-tirka dastuurka iyo dhameystirka hanaanka federaaleynta Soomaaliya.

"Mid kamid ah siyaabaha ugu waxtarka badan ee wax looga qabanayo arrimahan waa wada-hadal wax-ku-ool ah. Balse wali waa mudnaanta dowladda si loo dhameystiro dastuurka iyo dhameystirka nooca federaalka," ayuu ku adkeystay.

Shirkii ugu dambeeyay ee madaxda dowladda federaalka iyo maamuladda ay ku yeesheen magaaladda Baydhabo ayaa madaxda Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed loogu xil-saarey in ay dhexdhexaadiyaan xalinta khilaafkan.

"Inkasta oo kala aragti-duwanaan ay jirto, dowladda federaalka Soomaaliya waa ka go’an tahay in ay la hadasho mas’uuliyiinta Puntland, waxaana aaminsanahay in wadashaqeynta iyo isu-tanaasulka ay laga maarmaan u yihiin si aan u gaarno hadafyada qarankeena," ayuu hoosta ka xariiqay wasiirka.

Warar hal dhinac laga helay ayaa xaqiijinaya in hogaamiyeyaasha dowlad goboleedyada saddexda ah aysan si rasmi ah wali u bilaabin dadaalada waan-waanta balse loo balansan yahay kadib bisha Ramadaan.

"Waxaan si xooggan u aaminsanahay in qaabka ugu wanaagsan ee loo xalin karo kala-aragti-duwanaanta siyaasadeed ee Soomaaliya ay tahay nabad iyo iskaashi. Waxaan uga shaqeynayn karnaa mustaqbalka ifaya ee Soomaaliya in aan gacmaha is-qabsano," ayuu kusoo xiray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi: Taiwan waxay mashruuc halis ah kawadey Soomaaliya

Fiqi waxaa hadda loo magacaabey Wasiirka difaaca dalka, isagoo intii uu joogay wasaaradda arrimaha dibadda aad u xumaadey xiriirka dibadd.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 12:24PM

Puntland: Weerar Daacish ku qaaday Saldhig Ciidan oo ku yaalla Dhasaan oo la fashiliyey

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in howlgallada ka socda buuraha Calmiskaat ay sii socon doonaan ilaa laga baabi’inayo khatarta kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 11:15AM