Lacagta Mareykanka ku bixiey amniga Soomaaliya tan iyo 2009-kii

Image
Washington ayaa kamid ah wadamadda saameynta ku leh galka nabad-gelyadda Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Tan iyo sanadkii 2009-kii, Mareykanka ayaa sugidda ammaanka Soomaaliya ku kharash-gareeyay ku dhowaad $2.5 bilyan, sidda laga soo xigtey bogga Middle East Eye oo soo xigatay hay'add caalami ah.

Lacagahan oo sanad kasta ay sii kordheysay ayaa waxaa la rumeysan yahay in ay ku baxdey dhanka tababarada askarta, saadka iyo kabka miisaaniyadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Ciidamadda Ameerikaanka ee ka howlgala Soomaaliya oo xaruntooda ugu weyn ay tahay magaalada Muqdisho ayaa la aaminsan yahay in ay tiradooda u dhaxeyso 500 illaa 700 qof.

Bishii Ogosto, xoghayaha difaaca ee Mareykanka Lloyd Austin ayaa bogaadiyay howlgalka milatari ee Mareykanka ee Afrika, isagoo yiri "hadafka howlgalkeena waa xaqiijinta ammaanka iyo barwaaqada dalalka Afrika".

Laakiin warbixin dhawaan ka soo baxday Xarunta Daraasaadka Istiraatiijiyadeed ee Afrika ee Pentagon-ka ayaa arrintan ka soo horjeeda, waxaana ay tiri: "Rabshadaha kooxda Islaamiyiinta xagjirka ah ee Afrika waxay kor u kaceen si aan loo meel dayin tobankii sano ee la soo dhaafay, kuwaas oo ballaariyey boqolkiiba 300 muddadan."

Soomaaliya oo kaliya, Pentagon-ka ayaa diiwaangeliyay 2,221 "dhacdo rabshado wata", iyadoo dagaallada u dhexeeya Al-Shabaab iyo ciidamada ammaanka ee dalka ay ka yihiin 72 boqolkiiba.

Warbixinta ayaa waxay intaas ku dartey in Al-Shabaab lala xiriirinayo 36 boqolkiiba dhammaan rabshadaha kooxda xagjirka ah ee laga diiwaan geliyay Afrika sannadkii lasoo dhaafay.

Tan iyo 2007, taliska Mareykanka ee qaaardda Afrika ayaa gudaha Soomaaliya wuxuu ka fuliyey ugu yaraan 265 howlgalo dhanka cirka ah, sida ay sheegtay Airwars. Weeraradan waxaa lala eegtey xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM