Lafta-Gareen oo Kismaayo u tagey arin la xiriirta doorashadda

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxweyne Lafta-Gareen ayaa Maanta gaarey magaaladda Kismaayo, halkaasoo uu kusoo dhaweeyay dhigiisa Jubaland Axmed Madoobe.

Lafta-Gareen ayaa u tagey Kismaayo inuu kulan gaar ah la yeesho Axmed Madoobe, kaas oo ay uga hadlayaan arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka.

Wararka ayaa sheegaya in labada Madaxweyne ay si gaar ah uga hadlaan kuraas kamid ah Aqalka Hoose, oo ay u tartamayaan musharixiin kasoo jeeda Koonfur Galbeed, kuwaasoo Lafta-gareen uu doonayo inuu go'aan ku yeesho.

Axmed Madoobe iyo Lafta-gareen ayaa kuraasta la raba rag aad ugu dhow, kuwaasoo kuraastooda taalla Kismaayo. Lafta-Gareen ayaa la sheegay inuu doonayo kuraasta inay kusoo baxaan shaqsiyaad uu wato, oo Villa Somalia ku dhaw.

Jubaland ayaa kamid ah maamulada siyaad ahaan kasoo horjeeda Villa Somalia, waxaana lagu doortey Xildhibaano aan muxaafidka Farmaajo ahayn, iyadoo Lafta-gareen uu soo saarey xubno isaga doorashadooda saameyn ku lahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM

Soomaaliya: Agaasimihii Hore ee NISA oo Wasiirka Gaashaandhigga Ku Eedeeyay Cabsi-gelin Siyaasadeed

Hadalka Sanbaloolshe ayaa yimid kaddib markii Wasiir Axmed Macallin Fiqi uu sheegay in dowladda ay "u naxariisatay".

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 08:53PM