Laftagareen oo magacaabay musharaxiinta Aqalka Sarre

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa magacaabay musharaxiinta shan kursi oo kamid ah 8-da xubnood ee Koonfur Galbeed ku leedahay Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Sida ku xusan qoraalka kasoo baxay xafiiska Laftagareen kaasoo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online, laba kamid ah kuraastan waxaa si gaar ah ugu tartamaya haween maadaama musharaxiinta dumar ay yihiin.

Koonfur Galbeed ayaa noqoneysa maamulkii labaad ee hirgeliya heshiiska doorashooyinka soona saara liiska musharaxiinta Senate-ka. Jubaland waxay todobaadkii hore sameysay iskoor iyadda oo noqotay dowlad goboleedkii 1aad.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Aadan Cabdinaasir ayaa ka mid ah Musharaxiinta u tartameysa Aqalka Sare, iyadda oo uu ka tagay Senator xilka hayey 4-tii sano ee lasoo dhaafay.

Senatar Xuseen Sheekh Maxamuud oo ah Xoghayaha Xisbiga UPD iyo Senetar Ilyaas Cali Xasan oo ah Xoghayaha Arrimaha Dibadda Xisbiga Himilo ayaa laga saaray liiska, iyadda oo kuwa kasoo muuqdey ku dhow yihiin Laftagareen.

Shaacinta liiska musharaxiinta ayaa kusoo aadaysa xilli isla maanta uu guddiga baarlamaanka Koonfur Galbeed u saarey xulista xubnaha Aqalka Sare uu iska dhex-doortey guddoon rasmiya kadib shir ay ku yeesheen Baydhabo.

Sidoo kale, xubno ka mida Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal oo uu hogaaminayo gudoomiye ku xigeenka GHDHF Abukaate Mowliid Mataan Salaad  ayaa isla maanta gaaray magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Dhanka kale, Guddiga Doorashada Heer Dowlad Goboleed Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Xubnaha Xildhibaanada Golaha baarlamaanka ee qaabilsan Qabashada  Doorashada Aqalka Sare ayaa Shir ku yeeshey Magaalada Baydhabo.

"Labada guddi ayaa ka wada hadlay dardar gelinta Howlaha Shaqo iyo sidii loo dhaqaajin lahaa qabashada Doorashada Aqalka Sare ee dhawaan la filaayo inay ka dhacdo magaalada baydhabo," ayaa lagu yiri qoraal guddigu faafiyey.

Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa la filayaa in uu Isniinta asbuucan cod u qaado musharaxiintan. Laftagareen wuxuu gacansaar dhow la leeyahay Villa Soomaaliya oo si ballaaran u quudareynaysa in ay wakiilada maamulkan hesho.

HOOS KA AKHRISO LIISKA MUSHARAXIINTA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Jabuuti oo ku wada-hadlay Arrimaha Badda Cas iyo Damaca Itoobiya

Masar ayaa muujisay walaac weyn oo ku saabsan hadalada soo noqnoqda ee Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

  • Soomaliya

    25-04-2025

  • 08:19AM

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee BFS oo ka hor yimid heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga

Xildhibaanada ayaa meel-mariyay heshiiska iyadoo aysan akhrin ku sameyn, waxaana soo baxay hadda wixii la qarinayay.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 06:40PM