Lamaanihii guurkooda naf loo gubay oo xabsi guri ku ah Muqdisho

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Laaminihii Qaranka, Maxamed Cabdiraxmaan iyo afadiisa Ruqiya Cabdullaahi oo aqal galkooda sababay in naf loo gubo ayaa haatan xabsi guri ku ah Muqdisho, caasimadda Soomaaliya.

Qoyskaan uu kusoo biiray cunugooda aan wali sanad jirsan ayaa wajahaya xaalad adag oo dhinaca nolosha ah tan iyo markii uu geeriyooday gudoomiyihii gobolka ahaana duqii Muqdisho, Cabdiraxmaan Yariisow.

Injineer Yariisow oo bishii July ee sanadkan 2019-ka ku dhintay qarax ay kooxda Al-Shabaab xafiiskiisa ku beegsatay ayaa wuxuu kafaalo qaaday nolosha reerkan.

Cid la ceersi, halis amni iyo hoyga oo xabsi guri ay ku noqdeen ayaa isugu darsantay, taas oo ku riixday in ay warbaahinta la hadlaan si dhibaatadda haysata loo ogaado.

Cabdiraxmaan oo kasoo muuqday muuqaal lagu baahiyey baraha bulshada ayaa si qiiro leh wuxuu ku dalbanayaan "gurmad balaaran oo aan loo kala harin".

Sheekadda ka dambeysa dhismaha reerkaan oo xusuusteeda dad badan dhegahooda aysan u rooneyn ayaa dhalisay in loo gubo Axmed Mukhtaar Salaad, oo adeer u ahaa Maxamed Cabdiraxmaan.

Qoyska ay ka dhalatay Ruqiya, hooyada wiilka Cabdi, ayaa kasoo horjeesatay arooskooda, talaabadaas oo lala xiriiriyay faquuq ama naceyb.

Bishii September ee sanadkii lasoo dhaafay ee 2018-kii ayuu falkaan ka dhacay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho gaar ahaan degmadda Yaaqshid.

Dayacaad

"Markii uu Injineer Yariisow dhintay illaa iyo hadda wax daryeel ah ma haysano. Meel cidlo ah ayaan taaganahay," ayuu Cabdiraxmaan yiri isagoo cod dabacsan ku hadlaya.

Cunugooda ayay ku samiyeen Axmed Dowlo, si uu astaan ugu noqdo jaceylkooda baaxadda leh isla markaana ay rafaadka u marayaan.

Wuxuu raaciyey: "Hadii aan shaqeysan lahaayina, qof xorriyad haysto ayaa shaqeysto, qofaan xorriyad haysana ma shaqeysano karo".

Inkasta oo Cabdiraxmaan iyo Ruqiya ay qadar haysto, haddana kama niyad-jebin in uu taageero ka heli doonaan bulshadda Soomaaliyeed. "Waxaan ka rajeynayaa in ay na garab qabtaan oo bini'aadanimo noola fiiriyo".

Cabdiraxmaan oo ka walwalsan in la beegsado ama la dilo hadii ay dibada u baxaan ayaa codsaday in la adkaayo ammaankooda si aysan waxyeelo u soo gaarin.

Cumar Maxamed Maxamuud [Cumar Filish], gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, ayaa bedelay Yariisow, waxaana lays waydiinayaa hadii uu sii xoojin doono dhaxalka fiican ee loo reebay.

"Gudoomiyaha cusub ee gobolkana waxaan isana ka codsaneynaa in uu garab nasiiyo oo Soomaalinimo wax noogu qabto," ayuu cod dareen leh ku yiri. "Booskii Injineer Yariisow in uu noo buuxiyo," ayuu ku daray.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa bishii April ee sanadkan 2019 waxay saddex ruux - haweenay iyo rag - dil toogasho ugu xukuntay fal-dambiyeedka lagula kacay Axmed Dowlo, wallow qoyska dhibanaha ay saluugeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Milanka Al-Shabaab ee Ciidanka Qaranka oo Walaac Dhalinaya Kadib Dilalka Taliyeyaal Sare

Khabiirada amniga ayaa si isa soo taraysa uga digaya in Al-Shabaab ay si qoto dheer ugu milantay Ciidanka Qaranka.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 04:26PM

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmaya Saraakiil ka socota Itoobiya iyo Kenya

Madaxweynaha Jubbaland ayaa booqashadiisa sidoo kale ku saabsan sidii uu ugu raadin lahaa taageero dheeraad ah oo caalami ah.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 12:27PM