Odayaasha soo xulaya baarlamaanka Galmudug oo la magacaabay

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Guddiga doorashooyinka Galmudug ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigay liiska odayaasha soo xulaya Xildhibaanadda baarlamaanka cusub ee maamulkaas.

Liiskan ayaa waxaa lagu wareejiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo gacanta ku haysa coddeynta oo lagu waddo in ay qabsoonto bisha soo aadan ee December sanadkan 2019-ka.

Wadarta guud ee odayaasha ah ayaa ah 44-xubnood, waxaana lagu wadaa in maanta oo Sabti ah ay gudaha galaan soo xulista mudaneyaasha cusub ee Golaha Wakiiladda dowlad goboleedkan Soomaaliyed.

Talaabadan lagu shaaciyey odayaasha ayaa imaaneysa xili Ahlu Sunna ay diidan tahay qaabka iyo qorshaha xukuumadda federaalka Soomaaliya ay ku wajaheyso doorashadda Galmudug oo isha lagu hayo.

Dhinaca kale, xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir ayaa wuxuu ka digay ciidamo Itoobiyaan ah oo uu tilmaamay in Villa Soomaaliya damacsan tahay in ay u adeegsato "afduubashadda doorashadda maamulkan".

Ciidamadda Itoobiya ayaa horey loogu diiwaan geliyay in ay gacma gacmeeyeen doorashadii Koonfur Galbeed bishii December ee sanadkii 2018-kii taas oo uu kusoo baxay murashaxii ay wadatay dowladda.

Madasha Xisbiyadda Qaran oo cambaareeyay talaabooyinka ciidamadda Itoobiya ee aan kamid ahayn AMISOM ayaa ra'iisul wasaare Abiy Axmed ku booriyey in uu qaado talaabo degdeg ah.

Doorashadda dowlad goboleedka Galmudug oo tan iyo aas-aaskiisa uu la degay khilaaf siyaasadeed iyo mid awood qeybsi ah ayaa muhiim u ah coddeynta guud ee dalka ka qabsoomeysa sanadka dambe.

Hoos ka akhriso liiska

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Ku dhawaad 50% Saraakiisha dowladda Soomaaliya oo qaatay baasaboor ama kaarka aqoonsiga Kenya

Ilaa hadda ma jiro xaqiijin rasmi ah oo ka soo baxday dowladda Soomaaliya ama dowladda Kenya oo ku saabsan eedeymahan.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 10:33AM

Beesha caalamka oo dowladda Soomaaliya u qabatay illaa August in heshiis laga gaaro khilaafka doorashadda

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, farriintan ayaa markii hore loo gudbiyay mas’uul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 06:56AM