Lix Sano ka dib qaraxii Soobe.. sidee waaye xaalka Reer Muqdisho?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa gilgilay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho, kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac fara badan.

Maalintaas waxay saameyn ku yeelatay dhamaan shacaba ku nool caasimadda, iyadoo qoysas badan ay waayeen eheladooda, boqollaal carruur ahna ay agoon noqday.

Sannad kasta Soomaalidu way xustaa maalintan oo muujinaysay wajiyadii ugu foosha xumaa ee xag-jirnimada diineed, waxayna ahayd marxalad muhiim ah oo kooxda argagixisada ah ee ‘AS’ ay ku noqotay cadawga ummadda Soomaaliyeed.

Ilaa iyo hadda waxaa socda howlaha dhismaha ee dib loogu dayactirayo dhismayaashii ku burburay qaraxa, inkastoo ay ka soo wareegatay muddo lix sano ah dhacdadaani ay ku burbureen ilihii dhaqaale ee isku maareyn jireen qoysas badan oo dan yar ah..

Mas’uuliyiin badan ayaa maanta isugu soo baxay taallada 14-ka October oo la dhigay Isgoyska Soobe, si loo sharfo dadkii ku dhintay qaraxii ka dhacay Isgoyska, waxaana sidoo kale ka dhacay bannaanbaxyo ay dad badan ku muujinayaan sida ay murugadu ula qeybsanayaan dadkii ku dhintay qaraxa & kuwa la la’yahay.

“Gurigaaga ayaad ku dhiman kartaa, Bakhaarkaaga ayaad ku dhiman kartaa, Geerina ma xaq, Cadawguna yaanu cabsi nagu ridin.” Waa erayadii uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Jimcaale Madaale ka jeediyay xuska sanadguuradii lixaad ee qaraxii Soobe.

Iyada oo ay si isdaba joog ah u soo badanayaan qaraxyada argagixisanimada ah ee ka dhacaya caasimadda Muqdisho, ayaa shacabka ku dhaqan magaalada waxay ku dhegganyihiin rajada ah inay gaari doonaan nolol raaxo leh oo ka fog dhawaqa rasaasta iyo jugta qaraxyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu Trump u diiday inuu lacag ku bixiyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya?

Howlgalka ATMIS oo la filayo inuu gebi ahaanba baxo dabayaaqada sannadkan ayaa weli ku leeyahay mushaarooyin iyo gunnooyin gaaraya ilaa $100 milyan.

  • Soomaliya

    10-05-2025

  • 05:31PM

Firdhiye oo Xasan Sheekh la wadaagay Warbixin ku saabsan Xaaladda SSC-Khaatumo

Firdhiye ayaa uga mahadceliyay sidoo kale Xasan Sheekh casuumaadda uu usoo diray ee ka qeybgalka Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran.

  • Soomaliya

    10-05-2025

  • 04:15PM