Maalinta xornimada Somalia oo looga dabaaldagey Muqdishu, Farmaajo oo ka qayb galey

Image

MUQDISHU, Somalia - Magaalada Muqdishu ayaa xalay looga dabaal dagay xuska Sanadguurada 57-aad ee ka soo wareegatay markii gobolada Koonfur 01-dii July 1960-Kii, ay ka xoroobeen gumeystihii Talyaaniga, Islamarkaana ku asteysan tahay Israacii gobollada Waqooyi iyo Koonfur.

Munaasabadda oo ka dhacday xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, ayaa waxaa ka qeyb galay, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad, xubno ka tirsan Labada Gole ee dowladda, Wakiilo ka kala socday dalalka Caalamka, Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida, Gudoomiyaha gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed, Gudoomiyeyaasha degmooyinka iyo Ururada Bulshada.

Munaasabadda waxaa Khudbado ku saabsan taariikhda iyo halgankii dheeraa ee loo soo maray Xorriyadda Soomaaliya ka jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Dad waaya jog ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed oo ugu horeyn goobta ka hadlay wuxuu sheegay shacabka Soomaaliyeed in ay wajahayaan daruufo dhinacyo badan ah, oo ay ugu horeyso mid amni, wuxuuna tilmaamay in ay ku jiraan dadaaladii arrimahaasi looga gudbi lahaa.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye waxay dhankeeda sheegtay in la qabtay Tartan lagu maamuusayay 1-da Luulyo, kaasi oo ugu dambeyn ay ku guuleysatay kooxda Banaadir, oo ka adkaatay Horseed.

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay shacabka Soomaaliyeed in uu saaran yahay waajib ah in ay cadowga dalkooda ka difaacaan, wuxuu intaasi raaciyay shacabka Soomaaliyeed in aysan waajibkooda ka soo bixin inta ay qarinayaan Shabaab, iyaguna aysan waxba ku qabsan Karin.

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Xasan Cali Khayre oo khudbada ugu dambeysa ee Munaasabada ku soo dhaweynayay Madaxweynaha ayaa sheegay in ay na hortaagan yihiin Argagixso, Abaar, kala qu qubnaan iyo waxyaabo kale, si taasi looga gudbo ayuu dhalinyarada ugu baaqay in ay raacaan wadadii SYL.

Ugu dambeyn waxaa hadalka qaatay Madaxweynaha Soomaaliya, wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Kowda Luulyo, isaga oo intaasi ku daray dhismayaasha Dowladda in ay ugu magac dari doonaan dadkii gobonimada u soo halgamay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cali Balcad: Madaxweynaha wuxuu shir la yeelan doonaa madaxdii hore ee dalka

Shirkan ayaa loo arkaa mid fure u noqon kara yareynta kala fogaanshaha siyaasadeed iyo dhisidda hannaan loo dhan yahay oo lagu wajahayo marxaladda kala guurka ah.

  • Soomaliya

    25-05-2025

  • 11:19AM

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM