Maamul cusub oo loo magacaabay  Hiiraan

Image

BELEDWEYNE, Somalia - Madaxweynaha maamulka HirShabelle Cali Cabdullaahi Cosoble, ayaa maamul cusub u magacaabay Gobolka Hiiraan iyo magaalada Beledweyne, isagoo xilka ka qaadey mas'uuliyiintii joogay gobolka.

Digreeto kasoo baxday Madaxweyne Cosoble, ayaa Gudoomiyaha gobolka Hiiraan waxaa loogu magacaabay Cumar Aadan Ibraahim, waxaana xilkaasi laga qaadey Cali Jeyte. 

Madaxweynaha ayaa sidoo kale magacaabay xubno kale kuwaasoo ku jiro Guddoomiye ku-xigeenkii arrimaha amniga ee gobolka Hiiraan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM