Maamulka Cagjar: Somaliland waxay farta ku fiiqeysaa "cadaw aan jirin"

Image
Ismaamulka dowlad degaanka ayaa gaashaanka ku dhuftey eedeyn uga timid xukuumadda Muuse Biixi Cabdi.

JIGJIGA, Soomaali Galbeed - Ismaamulka degaanka Soomaalida ee ka tirsan dowladda federaalka Itoobiya ayaa gaashaanka ku dhuftey eedeyn uga timid maamulka Somaliland oo la xiriirta colaadda Laascaanood.

Qoraal kasoo baxay shir ay Khamiista maanta ah yeesheen Golaha Wasiirada Somali State ayaa waxaa lagu caddeeyay in aysan qeyb ka ahayn dagaalka todobaadyadii ugu dambeeyay taagnaa xarunta Sool.

Sidda laga soo xigtey war-saxaafadeedka kasoo baxay kulanka, xukuumadda Jigjiga ayaa "dadaal dheer iyo dulqaad badan ka muujisay in ayna ka jawaabin eedeeymo iyo dacwooyin badan oo si isdaba joog ah uga soo yeedhayay masuuliyiin ka tirsan maamulka Soomaaliland".

"Waxaa muuqata in maamulka Soomaaliland nafis siyaasadeed ka raadinayo inuu farta ku fiiqo cadaw aan jirin si uu u maareeyo su’aalaha kaga imanaya gudaha iyo dibada ee la xidhiidha Xaaladda ka aloosan Gobolka Sool," ayaa lagu yiri bayaanka.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

Shir ay maanta oo ay taariikhdu tahay 9 March 2023 yeesheen Golaha Wasiiradda ee Maamulka Soomaaliland ayaa lagu sheegay inay jiraan ciidamo ka tirsan Dawladda Deegaanka Soomaalida (DDS) oo qayb ka ah colaada ka socota magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Waxaan u sheegaynaa xukuumadda Soomaaliland in aysan jirin ciidan ka tirsan DDS oo qayb ka ah colaada Laascaanood, waxaana cambaareeynaynaa eedeeymaha masuuliyad-daradda ah ee dhankooda ka yimid.

In kasta oo Xukuumadda DDS ay dadaal dheer iyo dulqaad badan ka muujisay in ayna ka jawaabin eedeeymo iyo dacwooyin badan oo si isdaba joog ah uga soo yeedhayay masuuliyiin ka tirsan maamulka Soomaaliland oo la xidhiidha isla arintan, waxaa muuqata in maamulka Soomaaliland nafis siyaasadeed ka raadinayo inuu farta ku fiiqo cadaw aan jirin si uu u maareeyo su’aalaha kaga imanaya gudaha iyo dibada ee la xidhiidha Xaaladda ka aloosan Gobolka Sool.

Waxaan markale ugu baaqaynaa maamulka Soomaaliland inay ka waantoobaan hadaladda iyo ficiladda kala fogeeyn kara shacabka walaalaha ee DDS iyo Soomaaliland.


In ka badan 200 ruux ayaa ku geeriyootay colaadda Laascaanood, waxaana ku dhaawacmay ku dhowaad, 1,000 ruux kale. Qaramada Midoobay waxay shaacisay in dad kor-u-dhaafaya 80,000 ay ku barakaceen rabshadaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM