Maamulka HirShabeelle oo ka hadlay Muranka Isbitaalka Jowhar

Image

JOWHAR, Somalia- Maamulka HirShabeelle ayaa sharaxaad ka bixiyay xarig lagula kacay Agaasimaha Isbitaalka guud ee magaalada, kaasoo markii dambe lagasii daayay xabsi ku yaalla magaalada Jowhar.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda Warfaafinta maamulkaas ayaa lagu sheegay in xukuumaddu aysan doonayn inay albaabada iskugu laabto cusbitalkaas, balse maamulaha gacanta ku hayaa uu ka dhaga adaygay amar kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Gudaha.

“Arrinta sababtay xariga Madaxii isbitaalka Intersos ayaa ahayd mid ku timid dhaga adeyg uu ka muujiyay codsi uu u gudbiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cali Caadle, kaasoo ku saabsanaa in Wasaarada Arrimaha Gudaha loo oggolaado in ay dhismo ka hirgeliso dhul banaan oo aan ka mid ahayn isbitaalka qeybta adeega shacabka loogu fuliyo,” Ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray Wasiirka Warfaafinta dowlad goboleedka Hirshabeelle Mahad Xasan Cismaan.

Maamulka ayaa sheegay inuusan xariga loo gaystay mas’uulkaas uusan waxba u dhimin shaqadi loo hayay bulshada.

“Balse,waxaa loo oggolaaday in dib uu xoriyadiisa u helo madaxii isbitaalka Jowhar Mudane Xasan Mahad Cabdi,xarigiisana kuma yeelan wax saameyn ah howlaha adeega isbitaalka uu u hayay bulshada,”Ayaa lagu cadeeyay qoraalkan.

Mahdi ayaa la xiray markii uu diiday inuu u hogaasam amar kasoo baxay wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha maamulkaas.

Bannaanbax loogasoo horjeedo go’aanka maamulka HirShabeelle ayaa maanta ka dhacy xarunta gobolka Shabeellaha taasoo looga soo horjeedo in la xiro cusbitaalka si looga dhigo xafiisyo ay ku shaqayso dowladdu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM