Maamulka Koonfur Galbeed oo ciidamo u direy Mukhtaar Roobow

Image

BAYDHABO,Somalia- Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ciidamo u direy gobolka Bakool si ay u taageeraan Mukhtaar Roobow oo ku sugan degaano ka tirsan degmada Xudur.

Talabadaan ayaa timid kadib markii Mukhtaar Roobow iyo maleeshiyaad uu wato khatar ka soo foodsartey ururka Al shabaab. 

Al- Shabaab ayaa ciidamo u soo dirtey degaanada uu ku dhumaaleyato Roobow kadib markii asbuucii la soo dhaafey dowlada Mareykanka ka saartey Liiska argagixisada la raadinayo Mukhtaar Roobow oo loo yaqaan Abu Mansuur.

Abu Mansuur ayaa muddo khilaaf uga maqnaa ururka Al shabaab isagoo khilaaf uu soo kala dhexgaley hogaamihii dilka lagu diley ee Ahmad Godane.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa soo dhoweeyey in Abu Mansuur Dowlada Mareykanka ka saarto Liiska argagixisada.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM

Midowga Africa oo Shir degdeg ah ka yeeshay go'aanka uu Mareykanku ku jaranayo dhaqaalaha howlgalka Soomaaliya

Mareykanka ayaa sheegay inuu tan iyo sannadkii 2007 ku bixiyay ku dhowaad $2 bilyan taageerada AMISOM iyo ATMIS.

  • Soomaliya

    03-07-2026

  • 04:25PM