Soomaaliya: Maamullada oo ku dhawaaqaya Golle Iskaashi [XOG]

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Shirka Hogaamiyaasha mamaul goboleedyada dalka, uga socdo Kismaayo tan iyo maalintii Axad (8-da October), ayaa la filayaa in lasoo gaba-gabeeyo saacadaha soo aadan.

Madaxweyniyaasha Puntland, Galmudug, HirShabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, ayaa shirka dhamaadkiisa lagu wadaa inay soo saareen War Murtiyeed, ay uga hadlayaan go'aanada Kulankooda.

Warsidaha Garowe Online, ayaa ogaaday qaar kamid ah qodobada lagu heshiiyay, ee lasoo saarayo, kuwaasi oo ay ugu muhiimsan, Arrimaha Khaliijka, Xiisada Galmudug, Dastuurka iyo Golle cusub oo la sameeyay.

Khilaafka Galmudug - maamul goboleedyada waxay isku raaceen in ay dhex-dhexaadiyaan hay'adaha maamulkaasi iyo madaxda sare ee uu soo kala dhex-galay khilaafka wali taagan.

Arrimaha Khaliijka - Madaxweyniyaasha ayaa ku heshiiyay in wadahadal ballaaran, oo u dhaxeeya maamullada iyo dowladda dhexe laga yeesho arinta khaliijka, oo qaar iyaga kamid ah dhinac la safteen.

Gollaha Iskaashiga - Intii uu socda Shirka Kismaayo qodobka sida aadka ah diirada loo saarey, ayaa ah in maamul goboleedyada sameystaan Golle Iskaashi ah (Federal Member States Council).

F.G: waxaa laga yaabaa in qodobadan kor ku xusan ay wax iska bedelaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM