​Madaafiic lagu garaacay Garoonka Diyaaradaha Baydhabo

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Al Shabaab ayaa tiro madaafiic ah ku garaacay xalay Garoonka Diyaaradaha magaalada Baydhabo, ee xarunta gobolka Baay.

Saraakiisha Booliska maamulka Koonfur Galbeed ee ku sugan magaalada ayaa xaqiijiyay in madaafiicda ay ku dhaceen nawaaxiga Garoonka, islamarkaana aanay jirin wax khasaaro ah oo ay gaysteen.

Al Shabaaba ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka hoobiyaasha ah, kaasi oo lagu soo waramayo in lagu soo beegay xilli Garoonka ay kasoo degayaan Diyaaradao hub iyo saanad ciidan u siday AMISOM.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in saaka Ciidamada amniga ay fuliyeen howlgallo ballaaran, oo lagu soo qabtey tiro dad ah, oo looga shakiyay inay wax ka ogaayeen hoobiyaasha lagu tuurey Garoonka.

Ciidamo Ethiopia ka socda, oo kamid ah AMISOM iyo kuwa katirsan Koonfur Galbeed, ayaa aad u ilaaliya amaanka Garoonka, oo isha dhaqaale ee ugu weyn maamulka Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidanka Dowladda Puntland oo Weerar Ballaaran ku Qaaday Daacish

Weeraradan cusub ayaa daba socda duqeymo habeenimadii xalay lala beegsaday bartilmaameedyo gaar ah.

  • Soomaliya

    11-08-2025

  • 07:38AM

Mungaab: Musuqmaasuq baahsan ayaa curyaamiyay Maamulka Gobolka Banaadir

Arrintan ayaa dhalisay baaqyo ku aaddan in dib u habeyn lagu sameeyo nidaamka shaqaalaha dowladda hoose.

  • Soomaliya

    11-08-2025

  • 06:39AM