Madaafiic lagu tuuray xarunta Villa Somalia

Image

MUQDISHU, Somalia- Dhowr hoobiye ayaa ku dhacay gudaha iyo nawaaxiga xarunta Madaxtooyada Somalia ee Muqdishu, xilli Gollaha wasiirada cusub ay kulan ku leeyihiin Xafiiska Ra'iisul wasaare Kheyre.

Madaafiicda ayaa labo kamid ah waxay ku dhaceen Villa Somalia, waxaana ku dhaawacmay labo haween ah, sida ay GO u xaqiijiyeen ilo wareedyo ku sugan Madaxtooyada.

Qaar kale oo hoobiyaasha kamid ah waxay ku dhaceen Xaafaddaha 15-May ee dhabarka dambe ee Aqalka looga taliyo dalka Somalia.

Lama oga khasaaraha dadka shacabka ah kasoo gaarey duqeyntaas.

Dadka deggan nawaaxiga Villa Somalia, oo aan la xiriirnay ayaa noo sheegay inay aad ugu argagaxeen madaafiicda kusoo dhacday xaafadooda.

Ciidamada Nabad Sugida iyo Booliska dowladda Somalia ayaa gaarey goobaha ay hoobiyaashu kusoo dhaceen waxayna billaabeen baaritaanno la xiriirta halka laga soo tuurey.

Majirto cid sheegatay, balse waxaa falalka noocaan ah Muqdishu ka gaysata kooxda Al Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xog: Villa Somalia oo Firdhiye u Wadda Madaxtinimada Khaatumo

Gudoomiyihii hore ayaa magaalada Laascaanood la tagey ergooyin ka kooban…

  • Soomaliya

    21-07-2025

  • 07:00PM

Xog ku saabsan Kulankii Xasan Sheekh iyo Mucaaradka ku yeesheen Villa Somalia

Iyadoo waqtigu si xawli ah ugu socdo doorashada 2026, hoggaamiyeyaasha Soomaaliya waxay wajahayaan caqabado culus.

  • Soomaliya

    21-07-2025

  • 07:32AM