Madasha Xisbiyadda Qaran oo ka hadlay xadgudubka Itoobiya ee Gedo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madasha Xisbiyadda Qaran oo ay ku mideysan yihiin illaa iyo lix xisbi ayaa cambaareeyey xadgudubka ciidamadda Itoobiya kawadaan gobolka Gedo.

Dowladda Federaalka ah ayaa waxay ku dhaliileen in ay ka aamusan tahay falalkaas oo ay ku qeexeen kuwa meel ka dhac ku ah madax banaanida iyo sharafta qaranka Soomaaliya.

Askarta Itoobiyaanka ah oo fulinaya ajendaha Villa Soomaaliya ayaa degmooyinka Luuq, Doolow iyo Beledxaawo kawada olale maamul ka madax banaan Jubaland lagu aas-aasayo.

Maamulka Kismaayo oo ka digay arrintaas ayaa wuxuu cod dheer ku dalbaday in ciidankaas laga saaro gobolka maadaama aysan ka tirsaneyn badankooda howlgalka AMISOM.

Jubbaland iyo dowladda Muqdisho ayaa xiriirkooda uusan wanaagsaneyn tan iyo wixii ka dambeeyay doorashadii uu kusoo baxay madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Axmed Madoobe ayaa wuxuu kusoo baxay doorasho xor oo xalaal ah, waxaana madaxda dowladda federaalka lagu dhaliilay in ay isku dayeen farogelin ay ku guuldareysteen.

Beesha Caalamka oo isha ku haysa arrimaha Jubbaland ayaa isku dayday in ay wada hadal siiso labadda dhinac si khilaafka jira uusan u saameyn doorashadda sanadka 2020-21.

WAR-SAXAAFADEEDKA MADASHA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo eedeyn culus u jeediyay Madaxweyne Axmed Madoobe

Dhinaca kale, ilo amni oo badan ayaa xaqiijiyay in dagaalka lagu dilay Taliye ku-xigeenka Booliska Jubbaland ee gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    12-08-2025

  • 04:33PM

Ciidanka Dowladda Puntland oo Weerar Ballaaran ku Qaaday Daacish

Weeraradan cusub ayaa daba socda duqeymo habeenimadii xalay lala beegsaday bartilmaameedyo gaar ah.

  • Soomaliya

    11-08-2025

  • 07:38AM