​Madax-furasho lagusii daayay shaqaale lagu af-duubtay Baay

Image

BAYDHABO, Somalia - Kooxda Al shabaab ayaa lagu soo waramayaa inay lacag madax-furasho ah kusii daysay shaqaale hay'ad samafal, oo ay ku afduubteen 16-ka bishan July duleedka magaalada Baydhabo.

Al shabaab ayaa sii daysay samafalayaashaas oo tiradoodu gaarayso 7, oo 4 kamid ah ay ahaayeen haween, kadib markii la siiyay lacag murafasho ah oo gaaraysa $30,000 [Sodon Kun oo Doolarka Mareykanka].

Shaqaalahan oo katirsan NGO lagu magacaabo GREDO, ayaa laga afduubay meel ku dhaw Baydhabo, iyagoo kusii jeeday deegaano ay ka jirtay macluul baahsan oo kamid ah gobolka Baay.

Xubnahan oo jidka loo galay waqtigii la qafaalanayay iyagoo kusii jeeda Baydhabo ayaa gacanta lagu hayay 9 maalmood waxayna ku sugnaayeen deegaan lagu magacaabo Dalandoole, oo katirsan gobolka Baay, kaasi oo ay maamusho Al shabaab.

Wali ma jirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed Somalia iyo Hay'adda GREDO.

Al shabaab ayaa gobolka Gedo sidan oo kale uga afduubay 4 shaqaale samafal ah bishii April ee lasoo dhaafay, kuwaasi oo markii dambe iska sii daayay, dedaallo ay sameeyeen odayaasha gobolka kadib.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM