Madaxda maamullada Somalia oo Muqdishu u tagay shir muhiim ah

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxda maamullada Somalida ayaa magaalada Muqdishu caasumadda Somalia, u tagay shir muhiim ah oo looga hadlayo xaaladda waddanka Somalia, waxaana soo qaban qaabisay dowladda Federaalka.

Shirkan ka furmi  doona magaalada Xamar ayaa looga xaajoonayaan kulanka caalamiga ah ee bisha soo socota ka dhici doono magaalada London.

Kulankan Muqdishu waxaa ka qayb galaya madaxda dowladda Federaalka Somalia iyo hogaamiyaasha maamullada kala ah; Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug.

Madaxweyne Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Muqdishu si ay shirkaas uga qayb galaan.

Kulanka hogaamiyaasha Somalida ayaa la qorshaynayaa in laga soo saaro aragti midaysan oo madaxda dowladda Federaalka la hortagto kulanka caalamiga ah ee bisha May ka dhici doona magaalada London.

Shirkan caalamiga ah oo looga hadli doono arrimaha Somalia ayaa waxaa ku dhawaaqday Boqortooyada Ingiriiska kadib doorashadii Farmaajo, waxaana shir-guddoomin doona Ra’isal wasaaraha Ingiriiska iyo Madaxwenaha Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM