Madaxda Soomaaliya oo dib uga fekeraya go'aanadii buuqa dhaliyey

Image
Talaabadan ayaa imaanaysa xilli diidmo xoogan lagala hortagay qodobadaas lagu tilmaamay "dastuur jabin".

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxtooyadda Soomaaliya iyo madaxda maamuladda ayaa lagu waramay in ay dib-uga-fekerayaan go'aanadii kasoo baxay shirkii ay dhowaan ku yeesheen magaaladda Muqdisho.

Talaabadan ayaa imaanaysa xilli diidmo xoogan lagala hortagay qodobadaas laguna tilmaamay in ay jideynayaan hanaan doorasho aan dastuuri ahayn iyo muddo kororsi heer federaal iyo mid gobol ah.

Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, oo laba jeer soo noqday Ra’iisul Wasaare, ayaa si gooni gooni ah u sheegay in heshiiskaasi uu khalkhal gelin karo xasiloonida dalka, wuxuuna su’aal geliyay doorka Golaha Wadatashiga Qaraka.

"Golaha Wadatashiga Qaranku (NCC) ma wuxuu doonayaa inuu ku beddelo nidaamkii hore ee militariga ee baabi'iyey nidaamka xisbiyada badan oo lagu beddelo nidaamka hal xisbi?," ayuu ku yiri Twitter-ka. "Tallaabadan waxay la mid tahay in sun lagu durayo muuqaalkeenna siyaasadeed," ayuu raaciyay.

Cabdiweli Cali Gaas oo horay u soo noqday madaxwaynihii hore ee Puntland, ayaa bartiisa Facebook-ga ku soo qoray in heshiiska doorashada uu yahay mid aan u wanaagsaneyn Soomaaliya, gaar ahaan marka la eego jawiga siyaasadeed ee hadda taagan.

“Warkii xalay ka soo baxay Villa Somalia ma ahan mid la aqbali karo” ayuu qoray Gaas. "Heshiisku wuxuu ku guul daraystay inuu wax ka qabto baahiyaha qarankeena ee xaaladda uu hadda ku sugan yahay," ayuu hadalkiisa raaciyay.

Tan iyo shirkii dib-u-heshiisiinta ee lagu qabtay magaalada Carta ee Djbouti sannadkii 2000, Soomaalidu waxay isticmaalaysay nooc awood qaybsi ah oo lagu suntay 4.5.

Doorashadii ugu dambeysay ee habka awood qeybsiga ee 4.5 ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dib ugu soo celiyay Villa Soomaaliya bishii May ee sanadkii hore.

Guuleed Dheere oo ka faallooda arrimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa qaba in meesha laga saaro nidaamka awood qeybsiga beelaha ee 4.5 ay tahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday matalaad dhab ah oo shacabka.

"Siyaasiyiinta gudan waaya waajibaadkooda waxaa lagula xisaabtami doonaa marka kusoo laabato gacanta shacabka,” ayuu ku dooday, isaga oo ula jeedo in cod iyo cod ay fursad u tahay in suuqa laga saaro danleyda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM